Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkada Jet Oil Oo Ka Mid Ah Shirkadaha Keeni Jirey Shidaalka Somaliland Ayaa War Saxafadeed Ku Qaadacay Habkii Loo Qaybiyey 30% Ka Hadhsanaa Haamaha Shidaalka Magaalada Berbera Shirkadan

Jet Oil Patroleum Company oo kamida aheyd shirkadihii ugu horeyay ee dagaalka adag lagalay shirkadii Total ee haamaha shiidalka Berbera Maamuli jirtay Xiligii Dawladii Madaxweyne Dahir Rayaale, markii total dalka laga erayayna lagu wareejiyay Shirkada Jet Oil Company qeybtii Garoonka Diyaaradaha Berbera ee shiidalka Diyaaradaha mudo koobana Maamulaysay qeybtaas ayaa wakhti kooban ka dib waxa ay shirkadaasi iyo Xukumadu isla garteen in dib maamulka Haamaha loogu celiyo qeybta garoonka diyaaradaha ee shirkad Jet Oil Company maamulaysay ee Berbera iyada oo shirkada loo balan qaaday inay qeyb ka noqon doonto shirkadaha lagu wareejinayo Maamulka haamaha Saami qeybsigana ay kamid noqon doonto balse laga reebay shirkada Jet Oil markii lagu wareejiyay lixda shirkadood ee hada Maamula haamaha shiidalka oo 70% qeybsaday Saamigii maamulka Haamaha shiidaalka sodonkii wakhtigaas la reebayna la sheegay in loo qeybin doono shirkado kasoo jeeda Deegaanka Gobolka Saaxil mihiimadana lasiin doono shirkadaha kasoo jeeda Gobolka saaxil keydna uu 30% cid kalena aanay shaqo kulahayn sida ku cadayd heshiiskii Xukumadu la sheegay Lixda shirkadood ee Hada maamulka haamaha haysta. 30% loogu talagay in shirkadaha deeganka Gobolka Saaxil kasoo jeeda loo qeybiyo ayaa waxa la sheegay in habeenkii xalay ay Qeybiyeen Wasiirka Ganacsiga dr Muuse Qaasim Iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyaga oo uqeybiyay shan shirkadood oo kasoo kala jeeda Gobolada Togdheer iyo Hargeysa halka aan hal shirkad lagaga soo darin shirkadaha ka ganacsada shiidaalka ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil. Maareyaha Guud ee Shirkada Jet Oil Cawil Nuur Cabdilahi(Cawil Cawl)oo kusugan dalka Maleysiya oo lasoo xidhiidha warbaahinta ayaa dhaliilay qaabka hore loogu qeybiyay Saami qeybsiga Maamulka haamaha shiidalka iyo waliba sida habeenkii xalay mar labaad sife qaldan oo sharcidaro ah loog qeybsaday 30% ka hadhsanaa Saamiga maamulka Haamaha oo hore 70% loo qeybiyay waxaanu Maareyaha Shirkada Jet Oil uu sheegay in markii uu ogaaday qaabka loo qeybiyay 30% hadhsanaa uu lasoo xidhiidhay Madaxda dawlada dhexe uqaabilsan Gobolka iyagoona usheegay in aanay waxba kala socon qaabka loo qeybiyay Saamigaas waxbana aan laga weydiin.Waxaanay sheegtay shirkada Jet oil inay talo kula noqon doonto Madaxda dawlada uqaabilsan Gobolka Salaadiinta,Cuqaasha, waxgaradka, Xildhibaanada Iyo aqooyahanka kasoo jeeda Gobolka Saaxil. Sidoo kale waxa Maareyaha Guud ee Shirkada Jet Oil Cawil Cawl sheegay in hore loogu qorsheeyay 30%gan hadhsanaa shirkadaha Deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Saaxil mihiimadana lasiin doono maadama oo aan saami qeybsiga hore saami fiican kulahayn waxa kaliya ee ay sugayeena ay aheyd 30% ka hadhsanaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com