Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Juventus ayaa sii wadata taariikhda ay dhigayso waxayna garoonkeeda ku garaacday kooxda hogaanka horyaalka Talyaaniga haysay ee Napoli iyada oo Zaza uu dhamaadkii kulankan qalbi jabiyay Napoli, waxayna Juventus gaadhay guusheedii 15 aad oo xidhiidh ah waxayna guul dahabi ah oo 1:0 ah ka gaadhay kooxda Napoli.

Kooxda Juventus ayaa sii wadata taariikhda ay dhigayso waxayna garoonkeeda ku garaacday kooxda hogaanka horyaalka Talyaaniga haysay ee Napoli iyada oo Zaza uu dhamaadkii kulankan qalbi jabiyay Napoli, waxayna Juventus gaadhay guusheedii 15 aad oo xidhiidh ah waxayna  guul dahabi ah oo 1:0 ah ka gaadhay kooxda Napoli.

Juventus ayay guushani ka caawisay in ay hogaanka kala wareegto Napoli iyada oo kooxda Allegri yeelatay 57 dhibcood halka Napoli ay hadda kaalinta labaad ugu jirto 56 dhibcood.Guushan ayaaba u muuqatay in Juventus ay koobka horyaalka caawa ku qaaday marka la fiiriyo qaabka ay garoonkeeda ugu dabaal degtay.

Wax lagu sifinayn karayay kulanka xili ciyaareedkan ugu wayn horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da ayay Juventus garoonkeeda Juventus Stadium ku soo dhawaysay kooxda kaalinta kowaad ku jirtay ee Napoli halka Old Laday ay kulankan ciyaaraysay iyada oo kaalinta laabad ku jirtay. Napoli ayaa Juventus marti u ahayd iyada oo 56 dhibcood hogaanka Serie A-da ku haysay sidoo kale Juve  ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo 54 dhibcood leh.Juventus

Sidaa daraadeed waxa uu ahaa kulan loogu dagaalamayay hogaanka horyaalka iyo waliba koobka horyaalka cidii ku guulaysan lahayd. Waxaa maanka lagu hayay in guul ay Napoli gaadho ayaa ka caawin doonto in ay shan dhibcood ka sarayso Juventus laakiin dhinaca kale guul ay kooxda Allgri gaadho ayaa la ogaa in ay ugacan galin doonto hogaanka Serie A-da oo ay xili ciyaareedkan ka maqnaayeen. Sidoo kale Juvnetus ayaa raadinaysay guusheedii 15 aad oo xidhiidh ah bale tijaabada caawa sugaysa ayaa ah mid aad u adag.

Shixihii  labada kooxood ee kulankan:

Juvnetus (4-3-1-2): Buffon, Lichtsteiner, Barzagli, Bonucci, Evra, Cuadrado, Khedira, Marchisio, Pogba, Dybala, Morata

kaydka:Neto, Rubinho, Rugani, Romagna, Alex Sandro, Padoin, Sturaro, Hernanes, Pereyra, Zaza, Favilli

Napoli(4-3-3):Reina; Hysaj, Albiol, Koulibaly, Ghoulam; Allan, Jorginho, Hamsik; Callejon, Higuain, Insigne

Kaydka: Gabriel, Rafael, Strinic, Valdifiori, Maggio, Mertens, Regini, David Lopez, Chiriches, Gabbiadini, El Kaddouri, Chalobah

Kulankan ayaa ahaa kulan adag oo ay labada kooxoodba taxadar wayn ka muujinayeen waqtiga ay weerar qaadanayaan ama ay difaac u baahan yihiin, waxayna taasi keentay in ciyaartu noqoto mid xidh xidhan oo ay fursaduhu ku yar yihiin. Koox kastaaba waxay doonaysay in ay si gaabis ah ku abuurto fursad isla markaana ay difaaceeda ilaashato.

Inkasta oo ay ciyaartu ahayd mid fursaduhu ku yar yihiin sidii aan soo sheegnay haddana Napoli ayay u suurtogashan in ay halis ku abuurto goolhaye Buffon balse halyayga Juventus ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay laba halisood oo ay Napoli goolal kula iman kartay.

Daqiiqadii 37 aad ayay u muuqday in Napoli ay jabisay ismari waaga kadib markii uu Albiol gool madax ah udhalin gaadhay kooxda martida ahayd laakiin goolhaye Buffon ayaa muujiyay in uu wali badbaadin karo kubbadihii uu caanka ku noqday, wuxuuna beeniyay fursad gool lagu dhalin karayay. Fursadan ayaa ahayd fursada ugu fiicnayd uguna halsita badnayd qaybta hore.buffon

Laakiin laba daqiiqo oo kaliya kadib Callejon ayaa fursad fiican helay halka Higuain uu halis badan galinayay difaaca Juventus. Dhinaca kale Pogba iyo Cuadrado ayaa marar dhawr ah kubbad weerar deg deg ah ku qaadayay difaaca Napoli oo u muuqday mid aad u nidaamsan, waxaana qaybta hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybta danbe labada kooxood ayaa soo laabtay iyaga oo dardar fiican ku socda isla markaana isbadal ciyaarta ka doonayay. Waxayna labada kooxoodba bilaabeen in ay fursado fiican abuuri karaan laakiin Daqiiqadii 52 aad ayay Juventus soo gaadhay dhibaato dhaawac kadib markii uu Leonardo Bonucci awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato, waxaana booskiisa lagu soo badalay Daniele Rugani.

Dhaawaca Bonuci ayaa walwal wayn ku ah Allegri iyada oo uu Cheillini uu sidoo kale dhaawac ku maqnaa.Napoli ayaa bilawday in ay ciyaarta inta ugu badan haysato halka Juventus ay inta badan u muuqatay in ay halista weerarka Napoli difaac badan ku ilaalinaysay.Daqiiqadii 58 aad Allegri ayaa kursiga kaydka uga yeedhay Simone Zaza wuxuuna ciyaarta ka saaray Álvaro Borja Morata oo aan qaab ciyaareed fiican soo badhigin isla markaana suulka gacanta ka cabanayay.Morata

Daqiiqadii 62 aad Juvnetus ayaa heshay fursadii ugu cajiib sanayd kadib markii uu Pual Pogba si laabley uu cidhifka xerada ganaaxa Napoli uu kubbad xarago leh uu xabadka ku dejistay isla markaana uu si cajiib ah u maamulay laakiin isla markiiba waxa uu kubbada daba mariyay difaaca Napoli waxaana darbo gool loo fishay goolka ku toogtay Dybala nasiibkiisa ayaan noqon mid shaqeeyay laakiin darbadan oo ahayd mid quluubta Juventus kicisay ayaa birta wax yar u martay.2

Ciyaarta ayaa marba marka ka danbaysa u sii muuqanaysay in ay sii adkaanayso waxayna labada kooxoodba ka taxadurayeen in ay wax qaladaad ah difaaca ka sameeyaan, taas oo markale yaraysa in fursado badan la kala helo.Qaab ciyaareedka cabsidu ku dheehanayd ee ay labada kooxood soo badhigeen ayaa caajis ku dilay jamaahiirta tirada badan ee labada kooxood oo si wayn garoonka uu soo buux dhaafiyay.

Juventus ayaa goolkan dhalisay waqti ay Nopoli culays wayn ku haysay difaaca kooxdeeda balse weerar deg deg ah oo ay qaaday laakiin goolka Zaza ayaa jabiyay quluubta jamaahiirta kooxda martida ahayd ee Napoli oo inta badan kulankan awooda sare lahayd, laakiin Juventus ayaa khibradeeda u adeegsatay in ay garacdo kooxda hogaanka haysay ee Napoli.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Juventus ku garaacday Napoli, waxayna guushani noqotay mid ka caawisay in ay hogaanka u qabto horyaalka ay koobkiisa difaacanayso ee Serie A-da, sidoo kale Juventus ayaa sii wadatay guulihii xidhiidhka ahaa iyada oo kulankii 15 aad oo xidhiidh ah guulaysatay isla markaana tariikhda sii wada

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com