Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

xubnaha ururka kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada wadanka Switzerland waxay ku doorteen gudoomiye cusub oo badali doono gudoomiyihii xilka iska casilay ee ururkaasi.

xubnaha ururka kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada wadanka Switzerland waxay ku doorteen gudoomiye cusub oo badali doono gudoomiyihii xilka iska casilay ee ururkaasi.

Doorashada lagu dooranayey gudoomiyaha cusub ee ururka Fifa oo ka dhacday magaalada Zurich ayaa waxa ku guulaystay musharax Giani Infantino oo u dhashay wadanka Switzerland, kaas oo ka guulaystay musharaxii ugu danbeeyey ee ay isku soo hadhaan oo ahaa Salman Bin Ibrahim al-Khalifa.

Musharaxa guulaystay ee Giani Infantino oo hore u ahaa xogyaha ururka kubada cagta qaarada Yurub ee Uefa ayaa helay codad dhan 115, kaas oo ka guulaystay

Salman Bin Ibrahim al-Khalifa oo galay kaalinta labaad iyo Prince Ali bin Hussein oo isaguna galay kaalinta sadexaad ee wareegii ugu danbeeyey ee doorashada.

Giani Infantino oo markii doorashadu dhamaatay ka hadlay dareenkiisa ayaa waxa uu yidhi “ saaxiibadayda ugu qaaliga ah ma cabiri karo dareenka la xidhiidha goobtan  laygu doortay ee aynu joogno, waxaanan idiin sheegayaa inuu ina sugayo  safar dheeri,  kaas oo aan kula kulmi doono dad badan oo qaali ah, dad badan oo I jecel iyo dhacdooyinka kubada cagta ee maalin walba.” Giani Infantino ayaa xilka kala wareegaya madaxweynihi hore ee Fifa Sepp Blatter, kaas oo xilka iska casilay markii lagu soo eedeeyey inuu sameeyey musuq maasuq badan, iyada oo hawlaha ciyaaraha laga ganaaxay mudo lix sanadood

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com