Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Magafayaal Ay Qabteen Iyo Xadhiga Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sune)

Taliyaha Ciidamada booliska somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ay wehelinayaan Afhayeenka Guud Ee Ciidamada booliska ahna Taliyaha Ciidamada Nabad galyada Wadooyinka Somaliland  Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa maanta si wada jir ah uga war bixiyey magafayaal dhalinyarada tahriibaya oo magaalada Hargeysa ku sugan iyo xadhiga sheekh Aadan Sune oo ka mid culimada dalka.

Ugu horayn waxa shirkan jaraa,id ka hadlay taliyaha ciidamada booliska somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxaanu sheegay inay ciidamada amaanka galiyeen heegan culus waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Dhamaan Ciidanka Boolisku Wuxuu ku jiraa Heegan Buuxa Iyagoo Kaashanaaya Shacabkooda, labadan todobaad ee u dambeeyay ciidanku wuxuu qaaday hawl galo culus

waxaanu ku soo qabanay niman loo yaqaan magafayaal  oo ah kuwa dadka tahriibiya oo horena sharciga loo hor geeyay Qaarkood waxayna ka kooban yihiin 22 Xubnood intaanu imika gacanta ku hayno, Nimankan oo ah kuwa dhalinyarada lacagta ka gura ayaa dhamaantood waxaanu ka soo saaray sawiro iyo waraaqo foojari ah, hawl galanada kuwo jooganaya maaha  waxaan u digayaa gaadiidka lagu qabto in ay la kulmi donaan talaabo culus oo sharciga waafaqsan.” Ayuu yidhi taliya Fadal.

Sidoo kale taliyaha ciidamada booliska somaliland ayaa fariin u diray guud ahaanba ciidamada amaanka waxaanu mar kale yidhi “Ciidanka Booliska Waxaan farayaa inay amniga sidii ay u ilaalin jireen ka sii laba laabaan maadama oo 18-kii May inagu soo socoto, waxaanan leeyahay shacabkana kaashada.”

Taliye Fadal Oo Hadlkiisa Sii Wata  ayaa intaas raaciyey “Aniga ooh ore ugu sheegay shacabka somaliland gaar ahaan kuwa gobolka Maroodijeex  inay si diwaan geliyaan maadaama oo ay diwaan gelintii socoto.”

Sidoo kale taliya Cabdilaahi Fadal ayaa ka hadlay dhalinyarada habeenkii rabshadaha sameeya waxaanu yidhi “ fariin ayaan u dirayaa waalidiinta dhashay dhalinyarada rabshada ka sameeya magaalada dhexdeeda ee abuuraya amni darada, waxaan leeyahay hadaad waxa ka qaban waydaan ubadkiina ciidanka ayaa gacan bira waxa kaga qaban doona.”

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada booliska somaliland Faysal Xiis oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa  ka hadlay xadhig loo gaystay Sheekh Aadan Sune oo ka mid ah culimada dalka waxaanu yidhi “Waxaan halkan idiinka sheegaynaa in xalay oo ay bishu ahayd 2 saacaduna ahayd 12:20 habeenimo, ciidanka boolisku waxay soo qabteen oo ay xarunta C.I.D ku xidheen Sheekh Aadan Sune, sheekhaasi waxa uu ku kacay falal nabad galyo daro oo khatar ku ah bulshada somaliland, Hadhow baad iska odhan doontan sheekh baa la iska soo xidhay,  la iskama soo xidhin ee dariiqii sharciga ahaa baa loo maray danbigaas uu galay  kiiskiisa waa la baadhayaa,  warqada qabashada maxkamada ayaa u soo jartey oo uu ku xidhan yahay  waxaana deg deg loo  hor geyn doona maxkamada ” ayuu yidhi  Gashaanle sare Faysal Xiis afhayenka ciidamda booliska Somaliland.

Sidoo kale afhayeenka ciidanada booliska somaliland oo ah taliyaha qaybta ciidanka nabad galyada wadooyinka somaliland ayaa fariimo wadayaasha baabuurta waxaanu yidhi “Dhinaca kale waxaanu fariimo adag u diraynaa dhamaan wadayaasha baabuurta siiba booyahada dukhaanka iyo basaska waxaanu leenahay waa in aad muujisaan feejignaan wayn

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com