Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Iska Hor Imaad Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle+Cida Uu Iska Hor Imaadku Dhex Maray

War deg deg ah oo soo gaadhay xafiiska warqabadka shabakada maantasomaliland kana soo gaadhaya magaalada buuhodle ayaa sheegaya inuu iska hor imaad dagaal ah uu ku dhex maray magaalada buuhoodle laba kooxood oo kala taageersan ganacsatada jaadka keenta magaalada buuhoodle oo maalmihii u danbeyey khilaaf xoogani dhex yaalay.

Waxaan iska hor imaadkan dhex maray labada kooxod uu sababay khasaaraha dhimashada hal qof halka mid kalena ku dhaawacmay.

Cabdikarim Axmed Ismaaciil oo ku nool magaalada buuhoodle oo aan la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ganacsatadani isku maan dhaafeen keenisga jaadka loo yaqaano miirooga oo isagu kasoo gala dhanka magaalada laascaanood.

Wali ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaa dhex maray labada kooxood ee kala taageersan ganacsatada keenta jaadka.

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada maanta somaliland

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com