Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cali Guray Oo Faaleeyay Wareegtooyinkii Uu Faysal Cali Waraabe Soo Saaray “Waa Mar Kale iyo Waraaqihii Ay Dabayluhu Sideen”

Waa mar kale iyo waraaqihii ay dabayluhu siteen oo hawada aan ka qabsaday. Marka hore waxan cadaynayaa in aanu jirin shir Guddida Fulinta ee UCID ah oo qobsoomay haba yaraato eh.Cali-1024x887 Taasina ay tahay been cad oo qaawan oo kale uu sheegay Gudoomiyuhu. Laba Xoghayaha Golaha Dhexe waxa doortay Golaha Dhexe ee UCID mana hoos yimaado Gudoomiyaha ee wuxu waajibaadkiisa shaqo ku gutaa si waafaqsan Xeerka Xisbiga, Kalfadhiga Golaha Dhexe isaga ayaa mudeeya, goorta la qabanayo, halka lagu qabanayo iyo ajandaha Shirka intaba waxa awood u siiyay Xeerka Xisbiga.

Hadaba warqadan shalay uu qoray Gudoomiyuhu waxan leeyahay waa waxba kama jiraan maadaan ay si toos ah xadgudub ugu tahay Xeerka Xisbiga. Gudoomiyuhuna aanu xaq u lahay inu iska hor taagi karo Xoghayaha Golaha Dhexe inu guto waajibaadkiisa.
Markaa arinkani maaha wax dhaafsiisan “Farogaab iyo Xayte iyo Afartii Fool xumoyaal” ee awalba wanaaga iyo wadajirka Xisbiga UCID ka soo horjeeday ee shirqoolka ka dhanka ah UCID loo adeegsan jiray. Gudoomiyuhu wuxu ka meermeerayaa inu ka jawaabo eedaha loo soo jeediyay waayo wuxu ogyahay in sharciga lagaga gar leeyahay markaa ” AWLIYO MASLAY” xaalkeedu waa kiis iska waal

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com