Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xiddigii hore ee xulka qaranka dalka Brazil ayaa mar kale su’aal ka keenay xiddignnimada laacibka da’da yar ee dalka Argentina iyo kooxda Barcelona Messi

Pele: Johan Cruyff, Michel Platini, Alfredo Di Stefano ayaa ka fiican Messi

  • Xiddigii hore ee xulka qaranka dalka Brazil ayaa mar kale su’aal ka keenay xiddignnimada laacibka da’da yar ee dalka Argentina iyo kooxda Barcelona Messi,
  • taasi uu sheegay inaan lala barbar dhigi karin amaba uusan ka fiicnayn xiddigaha Palatine Cruyff iyo Alfaredo, isgoo intaas raaciyay in iyaga ay ka fiicanyihiin.

    Messi ayaa laba jeer oo isku xigta ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or,laakiin aanu u suuro galin inuu koob kula guulaysto xulkiisa qaranka, iyadoo qaranka Argentina ay ku fashilmeen koobkii adduunka sanadii tagay.

    23 jirka reer Argentina ayaa kooxdiisa Barcelona u horseeday inay ku guulaystaan koobab badan, iyadoo kooxda Barcelona ay haatan taagantahay finalaha Champions League.

    Pele oo u waramayay wergayska Chilean Newspaper La Tercera ayaa yiri “dadka waxay bay is barbarddhigaan, laakiin waxay illowsanyihiin xiddigaha, Johan Cruyff,Michel Platini and Alfredo Di Stefano iyo Lionel, Messi, laakiin yaa wanagasan ayuu isweydiiyay Pele”.

    Ugu danbeyntii, xiddigii hore ee kooxda Santos iyo qaranka Brazil ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya kooxda Barcelona iyo Manchester United, “Kooxda Manchester waa koox xoog badan oo maxaa yeelay qaabciyaareedka dalka Ingiriiska ayaa kor u soo kacay, Barcelona shaki iigama jiro inay tahay kooxda dunida ugu wanaagsan” ayuu hadlkiisa ku soo koobay Pele.

    Sikastaba, waa markii labaad oo uu Pele dhaliillo qaab ciyaareedka ciyaaryahan Messi

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com