Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Muuse Biixi “Waa Loo Dhamaa Go’aankii Dib ula Soo Noqoshadda Somaliland

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna musharraxa madaxweynaha  ee xisbigaas  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay midnimada iyo isku duubnimada shacabku, waxana uu sheegay in wada-jirka shacabku door laxaad leh ka qaadan karo tallaabooyinka qaranka horumarkiisa lagu hinidisayo.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay xaflad loo qabtay ardayda sannadkan ka baxaysa fasallada Afraad ee dugsiga Sheekh Cumar Good ee degmada DILA ee Gobolka Awdal oo ku qabsoontay   maanta, taas oo ay ka qeyb-galeen madaxda heer gobol iyo degmo, madaxdhaqameed, aqoonyahan, dad ka kala socday qeybaha bulshada Awdal iyo saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu si hufan u hogo-tusaaleeyey  hannaankii ay  ku timi qarannimada Somaliland, isagoo xusay in dhammaanba umadda reer Somaliland   u dhammaayeen dib-u lasoo noqoshadii xorriyadda Somaliland oo ku astaysan 18-kii may sannadkii 1991-ki

Ugu horrayn guddoomiyuhu waxa uu shacabka kula dardaarmay midnimo iyo isku duubni, waxaannu carrabka ku adkeeyey sida xisbul-xaakimka KULMIYE uu umadda ugu sahaminayo mar walba mustaqbal fiican oo la gaadho, “Waxa aynu iskula dardaarmaynaa oo aynu isu sheegaynaa in danteenna, horumarkeenna iyo mustaqbalkeenuba ku jiraan wadajirkeenna qaran ahaaneed, midnimadeenna, wax-wada qabsigeenna iyo isku tashigeena, xisbi ahaanna himiladayayadu waxa weeye maalintii la joogaba in aynu ku hammino mustaqbal ka wanaagsan maalintaas la taagan yahay si aynu taas u gaadhnana inaynu xoogga saarno da’yarta mustaqbalka leh, waxna la baro oo la taakuleeyo, caafimaadkooda, maskaxdooda iyo dhaqaalahoodaba la kordhiyo oo aan waxba lagala hadhin ayey aragtiyadada iyo hawlkayaguba yihiin,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo uu ka hadlay siyaasiyiin shaki geliyey maalinta qaran-nimada Somaliland ee 18-ka May, waxa uu ku dheeraaday sida ummadda reer Somaliland oo dhammi maalintaas  ugu midaysnaayeen, isagoo si gaar ah u xusay doorkii shacabka reer Awdal ku lahaayeen maalintaas iyo hannaankii ururkii SNM ula xaajoodeen waxgaradkii reer Awdal, waxaanu yidhi, “Dad badan ayaa yidhaahda Somaliland xorriyadeeda markii la odhanayey halla soo noqdo cid gaar ah baa ka talisay, waxaanan maqlayey warbaahin lahayd 18-ka May looma dhammayn, waxaanse idiin sheegayaa maanta waxa nool oo taariikhdaas haya dadkii ka qaybgalay aasaaskii Somaliland  oo uu kow ka yahay Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar, waxaana Ilaahay mahadii ah inaan aniguna maalintaas goob-joog ahaa.Markii dagaalladu dhaceen qolyihii SNM waxay gobolka Awdal u qoreen waraaq codsi ah waxaana lagu yidhi walaalayaal innagu ismaynaan dilaynin, dawlad baana isku keen diraysay, dhal iyo dhasheed baynu ahayn waxaannu doonaynaa inaynu isu nimaadno oo aynu nabad qaadano, waraaqdaasna waa la hayaa oo Sheekh Cabdilaahi baa haya.”

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

“28-kii bishii Feberwari 1991-kii Huteelka Harawo waxa fadhiistay 150 nin oo qoor-weynta reer Awdal ah oo maanta wax dhintay iyo wax noolba leh oo ciidan leh oo caaqil leh oo baayac-mushtar leh oo aanay cidi ka maqnayn, waxaanay yidhaahdeen warqadaas qalbi furan baynu ku qaadanay, dalkeeniina waynu dhisaynaa haddii ay warqad soo qoreena innagu socod baynu ugu tagaynaa, weftigii ugu horreeyey ee ka yimaada Awdal isagoo farriintaas sida oo Sheekh Cabdilaahi Cali-jawhar iyo Cabdiraxmaan Aw Cali ka mid ahaa ayaa noo yimi, isla bishaasna Berbera ayaa la isugu yimi inyar kadibna Burco ayaa la isugu yimi 33 nin oo qoorweynta reer Awdal ka mid ahina waxay ka mid ahaayeen dadkii maamulayey shirkii Burco, Bari iyo Galbeedna Suldaan Somaliland oo maqnaa ma jirin,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaa ku daray, “Raggii doodaha ugu culus shirkii Burco  ka galay ee lahaa Xamar waxba innooma yaaliine teena aynu ka tashanno oo xataa magacaa la isku qabtay, maantana ragga leh 18 May ka looma dhammaynoow markhaatigeedii baa nool oo Awdal baa kow ka ah oo Laascaanood baa kow ahayd oo garaadkoodii Cabdiqani iyo ragga maanta nool oo uu ALLE  caafiyee garaad Saleebaan ka mid yahay ayaa joogay, hal garaad baana Somaliland ka maqnaa oo ahaa garaad Ismaaciil oo isna xannuunsanayey oo soo wakiishay walaalkii.”
Muuse Biixi waxa uu kula dardaarmay dhallinta ka soo jeeda gobolka Awdal inay ilaaliyaan oo sii ambaqaadaan himilada ay abuureen awowyaashood, “Midnimada Somaliland awoowashiin hormood bay ka ahaayeen, idinkana waxa la idinka rabaa da’yartiina Awdal inaad halkaas kasii qaadaan calankii oo Somaliland horumarkeeda, midnimadeeda iyo isdhexgalkeeda hormood ka ahaataan, waana taariikh la idinka rabo iyo waajib idin saaran,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay heshiiska lagu maalgelinayo dekedda Berbera iyo muhiimada ballaadhan ee uu u leeyahay horurmarka waddanka Somaliland, “Waxaan la yaabaa ninka hashiisa irmaan gudhinaya ee waxa u soo kordha ka naxaya ee doonaya inuu dalka madax ka noqdo, Berbera, Lughaya, Saylac iyo meel kale oo Somaliland ka mid ah midna lama wareejin karo, laakiin waxaynu rabnaa maalgashi dalkani helo, maadaama aynu hayno dal dihin Ilaahay meel istaraatiiji ah dhigay, waxaanaynu u baahanahay dhaqaale aan mustaqbalkeena waxyeelin oo aan xorriyadeena wax u dhimin.
Ninka idin leh dekedda waa la wareejiyey waa dambi, waxaana loogu gabbanayaa in la gudhiyo waxa dalka mustaqbalkiisu ku xidhan yahay, carruurteeniina tahriib bay ku wada dhinteen mustaqbalkana rajo ayey arki waayeen, waana kow tallaabadii ugu horraysay maalgashiga Berbera in mutacalimiintu shaqo ka hesho,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com