Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Saxaafadda Uga Mahad-celiyay qaabkii Ay u Tabiyeen Wararkii 18 Meey, Casho-nna Ku Maamuusay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), waxa uu Saxaafadda Somaliland ku Martiqaadday kulan Casho ah oo uu ku Maamuusaayay ugunna Mahad-celinnaayay sidii wacnayd ee wadaniyadda lahayd ee Warbaahinta Somaliland u tabiyeen Barnaamijyaddii iyo Debaal-deggii waynaa ee 25-guuradda jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), waxa uu u mahad-celiyey Weriyeyaasha, Warbaahinta iyo Fannaaniinta reer Somaliland iyo weliba Saxaafadda caalamiga ah qaarkeed, kuwaasoo uu sheegay inay si fiican wax uga faafiyeen Xuskii 25-guurada gooni-isu-taagga Somaliland ee 18 May 2016.

“Waxaan doonnayaa haddaad tihiin Saxaafadda Somaliland, haddaad tihiin  Weriyeyaasha 18 Meey hawsha qaran ka sameeyay, haddaad tihiin inta caasimadda

ku sugan, haddaad tihiin inta gobollada iyo degmooyinka ku sugan, haddaad tihiin Telefishannada dalka ka hawl-galla, haddii ay yihiin Website-yadda dalka ka hawl-galla, haddii ay yihiin Wargaysyadda dalka ka hawl-gallla, haddii ay yihiin ururrada saxaafadda ee SOLJA, haddii ay yihiin ururka Hablaha ee WIJA, anigoo afka Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ku hadlaaya waxaan idin leeyahay hawsha aad qabateen waa hawl xilkasnimo ku dheehan tahay, hawlkarnimo ku dheehan tahay, qaddiyaddi ku jirto, guud ahaan Saxaafadda Somaliland waan uga mahad-celinnayaa” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Waxa sidoo kale, Munaasibaddaas ka hadlay Wasiir-dawlaha arrimaha dibadda, Wariyaha BBC-da laanta af soomaaliga Axmed Siciid Cigge, Mulkiilaha Horn Cable TV  Farxaan Xaaji Cali iyo Mas’uuliyiin kale.

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=180421#sthash.dEN9RR2e.dpuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com