Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada Amaanka Ee Degmada Lughaya Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Rayid Ah Oo Rasaaseeyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland

Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Guutada Lughaya Aadan Cilmi Qalinle ayaa ka badbaaday rasaas uu ooda kaga qaaday nin rayid oo watay baabuur nooca Land cruiser-ka ah, waqti uu ku sugnaa Degamda Lugahya,isla markaana ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa qaran.

Ciidamada Amniga ee degmada Lughaya ayay u suura gashay in ay gacana ku soo dhigaan ninkaasi Rayidka ah, waxana eedaysanahaas oo markii hore lagu xidhay Saldhiga Ciidanka Booliska ee Lughaya loo soo gudbiyay Saldhiga Geerisa oo ka tirsan isla degmada Lughaya

Inkasta oo aanay jirin wax dhaawac ah oo taliyaha ka soo gaadhay falkan ayaa sidoo kale aan la ogayn sababta keentay in ninkan dirawalka ahi uu rasaasta ooda kaga qaado sarkaalkan sare,

saraakiisha Amniga ee Geerisa oo aan khadka kula xidhiidhnayna waxa ay ka gaabsadeen in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan dhacdadan, walaw ay jiraan warar hoose oo shabakadu heshay oo sheegaya in la damacsan yahay in si sulux ah loo dhameeyo arinta mar hadii ninka rayidka ah ee baabuurka waday uu yahay nin u shaqeeya shirkada SO Cable-ka internetkaSi kastaba ha ahaatee arintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa  waqti ay dilalka tooska ah eel ala beegsado saraakiisha sare ee ciidamada Somaliland ay soo badanaysay, marar badana aanan waxba laga qaban, maantana ay u muuqato in dadkii rayidka ahaa ay isku dayayaan in ay xabad ka horgeeyaan saraakiil sare oo ciidan oo shaqadooda ku guda jira. Arintanina waxa ay walaac badan ku abuurtay dadwaynaha, waxana ay dulucdu tahay hadii ay xukuumadu wax ka qaban waydo falalka noocan oo kale ah, isla markaana sharciga lala tiigsan waayo cid walba oo uu ka mid yahay Dirawalkan u dameeyay ee Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Guutada Lughaya rasasta la beegsaday, sidoo kalena waxa ay dadwaynahi dhaliilsan yihiin, suluxa iyo waanwaanta sharciyadii dalkani lahaa ka hormartay ee aalaaba falalka noocan oo kale ah lagu xaliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com