Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka Hargaysa Oo Maxkamada Horteeda Ka Afduubay Muwaadin Kaga Adkaaday Dacwada Maayarka Iyo Kooxdiisa Budhcad-Dhulleedka Ah Warbixin; Wariye; Siciid Xuseen yuusuf

cropped-mmsll.png

11;30 duhurnimo ayey ahayd markii aynoo soo galeen anaga oo wakhtigaasi goobjoog ka ahaa dacwad dhuleed oo maxkamada ka socotay waxa noo soo galay dumar niqaaman oo is-daba socda waxay garsoorihii ku yidhaahdeen dacwadan intaanad fulin hoo maayarka la hadal, Garsoorihiibaa yaabay wuxuu ku yidhi dib u joogso meeshan miyaanad ogayn in ay maxkamad tahay intay isasii adkaysay ayay ku tidhi la hadli maysid miyaa wuxuu ugu jawaabay adigu ma tihid labada dhinac ee dacwadani ka dhaxayso ee iska bax way iska baxday in yar ka dib waxa noo soo gashay gabadh kale oo fayl sidata garsoorihii bay ku tidhi waxan aad xukumaysaa waa sharci-darro oo dhulkaygiibaad u xukumaysaa waxaana igaga jira dhulkii danta guud ee maayarku isiiyeyb wuxuu garsooruhu ugu jawaabay anigu waxaan fulinayaa xukun kasoo baxay maxkamada sare labadii dhinac ee ay ka dhaxaysayna waa kuwaa i hor fadhiya oo heshiisbay ku yihiin adigu hadaad dacwad qabto maxkamda sare waad u dacwoon kartaa waxay tidhi xukunka maxkamada sare sharci daro ayuu ahaa kan aad fulinaysaana waa sharci daro garsoorihiibaa ku yidhi maad cadayni in uu sharci daro yahay inta ay naxday ayay tidhi may ma cadaynayo in yar ka dib hadalkiibay sii badisay dibadayna u baxday, waxa hadana noo soo galay oday hanjabaya intaa ka dib waxay maxkamadii soo saartay xukunkii fulinta madax-banaanida ahaa Saacadu waxa ay gaadhay 1;30 waxa gaadhsiiyihii loo dhiibay xukunkii ku socday saldhigyada iyo Maayarka caasimada hargaysa C/raxmaan Mohamoud (Soltelco) intaasi markii ay dhacday markii aanu albaabka maxkamada kasoo baxnay aniga iyo Jimcaale maxamuud Ciise Oo ahaa muwaadinka loo fuliyey xukunkan waxaa gaadhi nagu horjaray ciidan waxa ka soo dagay gaadhigii saddex dumar ah gaadhii maayarkuna waxa uu soo istaagay in woxogaa noo jirta oo naga arkayo, ciidankan oo ahaa ciidanka u gaarka dawlada hoose waxa ay aniga igu yidhaahdeen aniga oo fulaya gaadhiga Jimcaale Iskagga dag gaadhiga waxaan ku idhi maxaa dhacay? waxay igu yidhaahdeen wuxuu soo galay afaarihii maayarka, Deetana waa ay kaxaysteen ninkii jimcaale, waxaanu raadinay saldhig walba waxaanu ugu dambayntii ugu nimidnay dawlada hoose ciidan jooga waxa aanu isnidhi wax u geeya waanay naga diideen in aanu wax u gayno ama aanu soo eegno ka dib markii ay noo diideen in aanu cunto siino aragno, waxaanay nagu yidhaahdeen maayarku wuu seexdee marka uu soo tooso ayaad eegi doontaan ayay nagu yidhaahdeen shaqaalihiisii inyar ka dib waanu soo noqonay waanu ka waynay meel alla meel ay geeyeen hadaba hab-dhaqankan liita ee maayarka caasimada hargaysa iyo shabakada uu ku shaqaysto ee dhulboobka waa mid keeni karta amni daro waayo falalka maafiyaan nimada ah ee uu samaynayo isaga oo maayarkii caasimada ah maxaad ka filan kartaan bulshada kalena? Xoghayaha dawlada hoose ee cusub oo la is lahaa wax buu ka badali ayaa isaguna sida muuqata shabakadooda ku dhacay subax kastana shaqada dawlada hoose ka socotaana ay tahay shirqoolka la malleegayo ee dad-weynaha ku dhaqan caasimada hargaysa. hadaba dhacdooyinka aan maanta xaqiiqadooda u taagnaa waa qaar markhaati ka ah cabashada iyo qaylada kasoo yeedhaysa bulshada caasimada hargaysa kuwaasi oo nacaybka ay u qabaan hab-dhaqanada liita ee maayarka caasimada gaadhay in ay diwaan-gelintii codbixiyeyaasha u nacaan hadaba waxa la gudboon wasaarada arrimaha gudaha somaliland in ay talaabo dag dag ah ka qaadaan shabakadaha budhcad dhuleedka uu hogaamiyo maayar Soltelco ku waasi oo khatar ku ah amniga iyo mus-taqbalka caasimada hargaysa hadii aanay wasaarada arrimaha guduhu deg deg wax uga qabana ay dhici doonto in bulshadu gantooda iskaga celiyaan dadka uu iska soo horaysiinayo si uu hantidooda u dhaco.
waxa maanta maayarka caasimadu si badheedha ah isku hortaagay amar fulineed oo ka soo baxay maxkamada gobolka hargaysa isaga oo muwaadinkii dhulkaasi loo fulinayey oo ah jimcaale maxamuud ciise 1;30 duhurnimo isaga iyo ciidan iyo dumar uu wataa ay ku qafaasheen maxkamada horteeda, jimcaale maxamuud ciise oo markaasuun kasoo baxay maxkamada gobolka hargaysa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com