Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

EUROPEAN CHAMPIONS!!!! Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Koobkeedii 11aad Ee Champions League Ka Dib Markii Ay Rigoore Ku Garaaceen Atletico Madrid – CR7 OO Rigoorada Guusha U Saxiixay Los Blancos

 

Real Madrid ayaa ku guuleysatay markeedii 11aad koobka Champions League ka dib markii ay rigoore 5-3 ay kaga badiyeen kooxda Atletico Madrid final la isku rafaaday oo ka dhacay San Siro ka dib markii 120 daqiiqo lagu kala bixi waayay barbaro 1-1 ah.

Juanfran ayaa gool ku laadkii la isla gaaray ka qasaariyay kooxda Real Madrid, iyadoo rigoorada guusha uu u dhaliyay kooxda Los Blancos CRISTIANO RONALDO kaasoo ku hogaamiyay Real Madrid koobkiidii 11AAD ee CHAMPIONS LEAGUE.


34BB0F7800000578-3614372-image-a-203_1464472773898

2

Labada kooxood ayaa ku soo galay shaxdooda ugu adag, labada macalina ma aysan reebanin waxba iyagoo diyaargarow weyn u soo galay maalinta ugu weyn tartanka Champions League, Cristiano Ronaldo ayaana taam u noqday inuu ku soo bilowdo kulankaan.

Daqiiqadii 6aad: Goolhaye Jan Oblak ayaa badbaadin weyn sameeyay. Laad xor ah uu soo tuuray Gareth Bale ayaa helay Casemiro kaasoo meel fiican u taagnaa inuu kubada shabaqa ku hubsado laakiin waxaa si fantastik lugaha kaga soo bixiyay kubada goolhayaha reer Slovenia.

1

Daqiiqadii 15aad: GOOOL!!! Real Madrid ayaa hogaanka qabatay markii laad xor ah uu soo qaaday Kroos uu madaxa ku taabtay Gareth Bale waxaana dhameystiray Sergio Ramos oo kubada ka hoos bixiyay goolhaye Jan Oblak inkastoo uu ahaa gool muran lagu geliyay inuu ahaa mid garab dhaaf ah.

Sergio Ramos ayaa noqday daaficii ugu horeeyay ee labo final oo Champions League gool ka dhaliya, waxa uu sidoo kale shabaqa ka soo taabtay Atletico Madrid finalkii 2014.

Real-Madrid-v-Club-Atletico-de-Madrid-UEFA-Champions-League-Final

Atletico ayaa qeybihii danbe dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta aheyd mid kubada heleysay laakiin waxa lagu kala nastay ciyaarta iyadoo gool iyo waxba ay ku hogaamineyso kooxda Real Madrid oo u qalantay hogaankeeda.

Daqiiqadii 46aad: RIGOORE! Pepe ayaa xerada ganaaxa dhexdeeda qalad kula galay Fernando Torres, goolhayaha Ingariiska ayaana tilmaamay gool ku laad. Antonie Griezmann ayaa u soo istaagay kubada, laakiin rigooradiisa waxa ay kaga dhacday birta ka hor inta aysan Real iska bixinin kubada.

Waa markii labaad oo isku xigta oo weeraryahanka reer France uu rigoore qasaariyo isagoo ka horimaanaya kooxda Real Madrid.

23 34 56 7

Daqiiqadii 51aad: DHAAWAC! Real Madrid waxaa soo wajahay dhabarjab xoogan iyadoo Carvajal uu dhaawac uu soo gaaray, waxaana daafaca midig uu u muuqday mid xanuun badan dareemaya waxaana la bedelay isagoo ooyaya, taasoo shaki gelineysa fursadiisa Euro 2016 ee xagaaga.

Atletico Madrid ayaana ciyaarta dib ugus oo laabatay ka dib rigooradii ay iska qasaariyeen iyadoo Godin iyo Koke ay tijaabiyeen goolhayaha laakiin wax natiijo ah ma aysan keenin.

1464467097221944

20kii daqiiqo ee ugu horeeyay qeybta labaad ee ciyaarta waxaa kubada iska heysatay Atletico Madrid iyadoo Real lagu qasbay inay si qoto dheer u difaacdaan kubada laakiin daqiiqadii 68aad waxa ay bilaabeen inay dib u furfuraan ciyaarta oo ay kubada la qeybsadaan kooxda Simeone.

Real-Madrid-v-Club-Atletico-de-Madrid-UEFA-Champions-League-Final

Daqiiqadii 70aad: FURSAD DAHABI AH – Real Madrid ayaa kubad rogaalcelis ah heshay, Luka Modric ayaa kubad u dhex bixiyay Benzema oo garabka midig joogay, xiddiga reer France ayaa orod ku soo galay xerada goolka Atletico laakiin darbadiisa waxaa si cajiib ah u badbaadiyay goolhaye Jan Oblak.

Daqiiqadii 78aad: FURSADO HALIS AH! Real Madrid ayaa fursado dahabi ah heshay, Ronaldo ayaa marka hore kubad gool loo fishay laga beeniyay ka hor inta aan mar kale kubad kale oo halis ah laga bixinin Bale.

Atletico-Madrid-v-Real-Madrid

1464467657485994

Daqiiqadii 79aad: GOOOL!!!! Atletico Madrid ayaa barbareysay ciyaarta kuna ciqaabtay Real Madrid fursadihii is xigxigay ee ay qasaariyeen, karoos uu soo dhigay Juanfran ayaa waxaa shabaqa ku taabtay Yannick Carrasco, kaasoo ciyaarta ka dhigay barbaro hal iyo hal ah.

Carrasco ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee u dhashay dalka Belgium ee gool ka dhaliya finalka European Cup ama Champions League.

90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo ildaatay barbaro 1-1 ah, waxaana sidii finalkii 2014 la isla aaday 30ka daqiiqo ee dheeriga ah.

Atletico-Madrid-v-Real-Madrid

Daqiiqadii 95aad: FURSAD! Ronaldo ayaa fursad fiican uu hogaanka ugu dhiibi karay Real helay, kooner uu si fiican u soo qaaday Modric ayuu madax la helay laakiin waxa ay ku dhacday ciyaaryahan kale ka hor inta uusan kubada gacanta ku dhigin goolhaye Jan Oblak.

Iyadoo Zidane uu iska wada isticmaalay seddexda bedel qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa Bale soo wajahay dhaawac uu in muddo ah la istaagay iyadoo aysan jirin ciyaaryahan bedeli kara. Waxaana 15kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah.

1464469822406415

Atletico-Madrid-v-Real-Madrid

Atletico Madrid waxaa ka dhaawacmay Felipe Luis iyo Koke waqtigii dheeriga ahaa, laakiin tababare Diego Simeone ayaa bedel u heystay oo labadii bedel ee u hartay u isticmaalay xiddigaha ka dhaawacmay. Balse Carrasco ayaa ka dhaawacymay daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta.

Real Madrid ayaa fursado halis ah heshay daqiiqadii ugu danbeeyay ee qeybtii labaad ee 30kii daqiiqo ee dheeriga ah ee lagu daray, laakiin wax natiijo ah kuma aysan keenin waxaana 120kii daqiiqo ee la ciyaaray ay ku soo dhamaatay ciyaarta barbaro 1-1 ah, waxaana la isla aaday rigoore.

Atletico-Madrid-v-Real-Madrid-Penalties

Real Madrid ayaana rigoorada ku badisay 5-3 markii Juanfran uu rigoore ka qasaariyay Atletico Madrid islamarkaana uu Cristiano Ronaldo uu dhaliyay rigoorada guusha iyadoo LOS BLANCOS ay hanatay koobkeedii 11aad ee Champions League.

Tababare Zidane ayaa taariikhda Real Madrid galay isagoo ciyaaryahan ah ayuu koobka la qaaday 2002, isagoo tababare ah ayuu u qaaday Real Madrid sannadii 2016.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com