Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka Degmada Carrooley oo ka tirsan gobolka Cusub ee Xaysimo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa ka war bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee ka socda degmadaas iyo u diyaar garawga diiwaan galinta ee dagmadaasi

13521964_1775342949412512_5062575519515394672_nMaayarka Degmada Carrooley oo ka tirsan gobolka Cusub ee Xaysimo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa ka war bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee ka socda degmadaas iyo deegaamada kale ee hoos yimadaas gobolka. Maayarka Carroolley Mr. Cabdiraxmaan waxaa kale oo ka hadlay qabanqaabada shirweyne bisha ramadaan kadib la filayo in uu ka qabsoomo deegaanka Awr boogays  oo kulmin doona ergooyin laga soo xulay beellaha Nugaalleed ee dega deegaankaas iyo xukuumadda Somaliland, shirweynahaas oo hadda kulamo gogol xaadh u ah qabanqaabadiisu socoto. Sidoo kale waxaa uu maayarku ka hadlay adeegyada horumarneed ee deegaanka ka socda isaga oo bogaadiyey waxqabadyo ay qaar kamid ah dadka deegaanka ee qurbejoogga ahi ka fuliyeen deegaankaas. Maayarku waxaa uu ka warramay natiijada safarro maamul fidin ah oo dhawaan ay deegaannadaas ku soo mareen weftiyo xukuumadda ka tirsan oo ay hogaaminayaan wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland iyo Xildhibaan Saleebaan Koorre.  “Run ahaaan shacbiga iyo bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Xaysimo iyo hoggaan dhaqameedkooduba aad bay ugu diirsadeen una soo dhaweeyeen Weftigii ay horkacayeen Wasiirka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac Iyo Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koorre ee safarrada indho-indhaynta iyo wacyigelinta maamul daadejinta ku soo maray deegaannada gobolka Xaysimo wafdiga socdaalkiisaa oo wax badan ka taray deegaamadaasi. Weftigaas kadibna shirar badan baa bulshada iyo haldoorka deegaanku isugu yimaadeen illaa haatanna qaarkood baa socda, waxaana shirarkaasi taageero u yihiin qorsheyaasha horumarineed ee dawladda soomaliland ugu talo gashay horumarinta gobolkan. Shirarkaasi waxaa ay daaran yihiin sidii maamul fidinta gobolka iyo horumarintiisa looga qayb qaadan lahaa, taasoo ay weliba u dheer tahay wacyigelin ay qaybaha bulshada iyo maamulkooda heergobolba ku dhiirgelinayaan in bulshada deegaanku aanay u kala hadhin diiwaangelinta doorashada iyo qaadashada kaadhka codbixinta oo dhawaan la filayo inay halkayagan ka qabsoonto”. Sidaa waxaa yidhi Maayarka Degmada Carrooley ee gobolka Xaysimo oo xalay khadka telefoonka kulas oo xidhiidhay Wargeyska Hubaal. Maayerku waxaa uu sheegay in ay hadda gobolkaas ka socoto qabanqaabada shirdoceedyo gogol xaadh u ah shirweyne horumarineed oo dhawaan ay isugu iman doonaan haldoorka deegaanku “   Waxaa hadda socda qabanqaabada shirar gogol xaadh u ah shir weyn oo dhawaan bacda ramadaan ka qabsoomi doonaa deegaanka Awr boogays, kaasi oo kulmin doona beellaha nugaalleed iyo dawladda Somaliland, ajendihiisuna yahay sidii ay odayaasha iyo waxgaradka deegaanku uga qayb qaadan lahaayeen meelmarinta qorsheyaasha horumarineed ee dawladdu ugu talo gashay gobolkaas, run ahaanna waxaa aanu ku niyad sannahay in qoddobo wax ku ool ah oo dadka iyo dawladda iyo gobolkaba dan u ahi ay kasoo bixi doonaan”. Ayuu yidhi maayarka Carroolley.

Dhinaca kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, Maayarka degmada Carrooley ee gobolka Xaysimo waxaa uu xog warrankiisa ku ladhay “Ka maamul ahaan waxaa noo qorsheysan in wax badan aanu dhinacayaga qabano adeegyada maamulka iyo waxbarashada iyo caafimaadku ugu horreeyaan. Waxaa kale oo aan doonayaa in aan Maayar ahaan u mahad naqo dad muwaadiniin deegaanka u dhashay ah oo qurbejoog u badan oo runtii si weyn uga qayb qaatay horumarinta deegaankooda. Waxaa ka mid ah Muwaadin qurbejooga h oo la yidhaadho Cabdixakiin Axmed Xirsi Xawte oo isagu degmada Carroole ka hirgeliyey dhismaha dugsi sare oo aad u weyn oo ay bulshadu baahi u qabtay. Waxaa kale oo aan doonayaa inaan u mahad naqo Maxamed Maxamuud Xaaji Yuusuf (Ilkacase) oo isna hool shirar iyo guri martida lagu qaabilo ka hirgeliyey degmada. Sidoo kale waxaanan ilaawi Karin oo aan u mahad celinayaa Canab Xaaji Xuseen oo iyaduna qalab caafimaad keentay deegaanka isla markaana ballanqaaday in ay meel caafimaad u dhisto bulshadeeda. Ugu dembayn waxaan baaq u soo jeedinayaa dal joogta iyo dibad joogta deegaanka in ay si wada jir ah uga qayb qaataan horumarka  deegaankooda iyo adkaynta ammaanka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com