Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland:Wasiirka Daakhiliga Oo Burco Kulan Kula Yeeshay Waxgaradka Togdheer

Wefti  balaadhan  oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde   oo maalintii  Shalay   Gaadhay   Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco   ayaa  caawa    guriga  martida ee  magaalada Burco  kulan  Afur iyo Casho  Sharafa  kula yeesha  Madax dhaqameedka wax garadka iyo  cuqaasha  kala Duwan ee Somaliland.

Waftidan uu  hogaaminayo Wasiirka  Arrimaha Gudaha Somaliland  Ayaa  Waxaa Ku  Wehelinayey  Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga  Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Wasaarada Cadaalada  Axmed Faarax Cadare,  Wasiirka Wasaarada  Warfaafinta  Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Cadaani,  Wasiiru  Dawlaha Wasaarada Duulista Iyo Hawada Axmed Nuur Faahiye, La Taliyaha Wasiirka   Arimaha Gudaha  Axmed Xasan Cigaal ,  Iyo  Badhasaabka  Gobolka  Togdheer .

Kulankan  ay  wada qaateen  waftida iyo   madax dhaqameedku  oo  qaatay  saacado  kooban  isla  markaana aan  warbaahintu  dibad jog  ka  ahayd ayaa lagaga wada hadlaayey  xasuuqii   Tuulada Jaamac Dubad iyo xaalada  hawdka  kilalka  shanaad .

Waxaana  goobtaasi  warbixin ka jeediyey   Odayaashii  goob jooga u  ahaa  dhacdadaasi  Jaamac Dubada  oo ka  hadlay  sida dhacdadaasi   aan  cidna loo aabo yeelin ay  u  dhacday.

Dhinaca kale waxaa iyaguna   dhankooda halkaasi  ka hadlay  madaxdhaqameedka   kala  duwan ee halkaasi  is kugu  yimi  oo  dhamaantoodba   ku  dheeraaday  sidii  xal waara looga  gaadhi  lahaa  xaalada soo  noqnoqonaysa  ee deegaankaasi iyadoo isku  raacay  inaanay  marnaba colaadi  ka dhaxayn  Dawlada Ethiopia  laakiin   ay  dhibaatadu  tahay  Liyuu Bolis oo ah Dad Beela.

Wasiirada xukuumada oo  iyaguna   halkaasi  ka hadlay  ayaa  ku   dheeraaday  sidii  la iskaga  kaashan  lahaa  isla markaana  go’aan mida looga gaadhi lahaa shicib iyo  xukuumadba   aadna uugu  mahadnaqay   madaxdhaqameedka  nabada salka u  dhigay  ee ilaa hada aan wax jawaaba  qaadin.

Ugu  danbayntii wasiirka   arrimaha gudaha Somaliland  oo halkaasi   soo gunaanaday   ayaa  ku  dheeraaday  xidhiidhka  labada  dal  iyo  inay  nabad  muhiim  tahay  waxaana  uu  sheegay  inay  dawlada federaalka  arrinkani  ka wada hadleen una  balansanyihiin  inay  iskaga yimaadaan taasi  oo   federaalka Ethiopia  ay  sheegeen  inay  arintaasi  baadhayaan.

Shirkan oo si  wayeelnimo  iyo guurtimo  ah  la iskula hadlay  la iskuna waafaqay   ayaa waxa la iskula qaatay in  gudiyo ka tirsan  cuqaasha  bari  kulan danbe la iskugu  yimaado  isla markaana laga soo saaro  xog  mug leh.

 Xafiiska Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com