Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Safiirkii Ku-xigeenkii hore ee Somaliland u fadhiyey Koonfur Afrika oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay Albaabbada u xidhay Xidhiidhkii Afrika

“Illaa  immika waxay aamminsan yihin dawladda Koonfur Afrika iyo Xisbiga talada dalkaas haya ee ANC in Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu u leexatey xagga Fedaraalka Soomaaliya oo ay faraha kala baxdey Ictiraaf-raadinti Somaliland…” Waraysi Safiir Ku-xigeenkii hore ee Somaliland ee Koonfur Afrika Axmed Jaamac (Gaaweeto)

Hargeysa(MSL):- Safiir Ku-xigeenii hore ee Koonfur Afrika u fadhiyi jiray Somaliland ahna Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Reer Somaliland ee isla dalkaas Ambassador Axmed Jaamac (Gaaweeto), oo booqasho ku jooga Hargeysa, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay gebi ahaanba Albaabbada u soo xidhay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd waddamada Qaaradda Afrika, isla markaana ay xidhay Xafiiskii iyo Xidhiidhkii Koonfur Afrika.

 

Ambassador Axmed Jaamac (Gaaweeto) oo u magaalada Hargeysa uu Waraysi kula yeeshay Tifaftiraha Shabakadda Hayaannews Mustafe-Jannaale, ayaa ku sifeeyey Xukuumadda KULMIYE inay arrimihii ictiraaf-raadinta Somaliland ay ku beddeshay Federaalnimada Soomaaliya, taasina ay ka hor imanayso Qaddiyada gooni-isu-taagga Somaliland ee lagu dhawaaqay 18-kii May 1991-kii.

Safiir Ku-xigeenkii hore ee Koonfur Afrika u fadhiyey Somaliland Axmed Jaamac (Gaaweeto), ayaa sharraxay heerka Xidhiidhka Xukuumadihii u kala danbeeyey Somaliland ay la lahaayeen Waddamada Qaaradda Afrika, waxaanu si gaara u eegayaa xidhiidhkii Koonfur Afrilka iyo Somaliland, kaasoo kasoo bilaabmay wakhtigii Allaah ha u naxariistii Maxamed Xaaji Ibrahim Madaxweynaha ahaa, oo Isagu dhidibbaba u taagay xidhiidh salkiisii ku salaysaa himilo siyaasadeed oo ku salaysnayd aragti fog.

Waxa uu Mr. Gaaweeto oo arrimahaas faahfaahinayaa, yidhi; “Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu taarikhdu markey ahayd 2000 u direy wadanka South Afrika Wefti uu hoggaaminayo Wasiirkii wakhtigaas ee arrimaha dibedda Allaah ha u naxariistee Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ka qaybgalay Xaflad ay lahaayeen Xisbiga ANC oo ka dhacaysay Free State Provence magaalo-madaxdiisa Bloomfontien, Weftigaasi oo ahaa Waftigiii u horreeyey ee ka socota Qoomiyadda Afka Soomaaliga ku hadasha intii uu talada hayey Xisbiga ANC.”

Ambassador Gaaweeto oo sii wata sharraxaaddiisa, waxa uu yidhi; “Wasiirkii Ku-xigeenkii wakhtigaas ee Koonfur Afrika Aziz Pahat, ayaa wuxuu soo jeediyey qof xidhiidhiya koonfur Afrika iyo Somaliland, kaasoo marki dambe noqdey Safiirka Somaliland ee Koonfur Afrika Iqbal Jhasbhia oo isagu wax badan oo deddaallo ah ka sameeyey siduu Africa iyo Caalamka kale-ba u Bari lahaa Somaliland iyo waxyaabaha u qabsoomay muddadii ay dib ula soo noqotey madax-bannaanideenna.”

“Haddaba Somaliland waxay muddo kooban ka mid noqotey waddamada aan ictiraafka haysan ee hela laison office ama Xafiis Dimlamaasi. Taasoo ahayd taariikhdu markey ahayd 2000, waddamada ay Somaliland mar la qaadatey Xafiiska noocaasi ah waxaa ka mid ahaa Koonfurta Sudan, Subsahara iyo Palestine.” Sidaa ayuu yidhi Amb. Gaaweeto.

Mar la weydiiyey, Ambassador Axmed Jaamac Xasan (Gaaweeto) waxa sababay inuu xidhmo Xafiiska Somaliland ee Koonfur Afrika? Waxa uu ku jawaabay; “Safarkayga aan ku imi Somaliland immika waxa weeyan mid ii gaara oo hawlo ayaan u imi. Xafiiska Somaliland ee Koonfur Afrika maanta albaabbadu way u xidhan yihiin, waxaana si toosa loo xidhay sannandkii  2010 markii Xisbiga KULMIYE talada dalka la wareegay iyadoo illaa  immika ay aamminsan yihin dawladda Koonfur Afrika iyo Xisbiga talada dalkaas haya ee ANC in Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu u leexatey xagga Fedaraalka Soomaaliya oo ay faraha kala baxdey Ictiraaf-raadinti Somaliland muddada dheer ka soo shaqaynaysay.”

Mar la weydiiyay Ambassador Axmed Jaamac inay la soo xidheedheen Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland oo ay kala hadleen inay ku qanciyaan inuu sii furnaado Xafiiskii Somaliland ee Koonfur Africa? Waxa uu ku jawaabay “Haa waan la soo xidhiidhnay Wasiirkii hore ee arrimaha Dibada Somaliland ee wakhtigaas Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo aanu xitaa ku nidhi Safiir cusub u soo magacaaba  oo yaynaan Xidhiidhka sii deynin balse waxa uu noogu jawaabay inaan wax kharash ah loo haynin qorshe ay kaga hawlgalaana aanu jirin……Taasina waxay keentay inuu Xafiiskii iyo Xidhiidhkii-ba uu gebi ahaan-ba xidhmo”.

Ahmed 111

Ahmed2222222

Axmed-JAAMAC 33333

Edna Aadan KKKKKKKKKKKKKK

Ahmed-JAAMACYYYYYYYYYYYYYYYYY

Ahmed-JAAMACWWWWW

Ahmed-JAAMAC VVVV

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com