Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiska dekedda Berbera uu bishan soo socota ee July si rasmi ah u dhaqan gali doono.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiska dekedda Berbera uu bishan soo socota ee July si rasmi ah u dhaqan gali doono.

sacad cali shire

Wasiir Sacad oo waraysi siiyey idaacadda BBC-da laanta afka soomaaliga ayaa sheegay inay jiran rag khubaro ah iyo garyaqaano caalami ah oo heshiiskan ka shaqaynaya isla markaana ay marayaan halkii ugu dambasyay ama gabagbadii. ugu horayn isagoo ka hadlaya halka uu heshiiski haatan marayo ayaa wax uu yidhi wasiirku :

“Waxaanu tagnay markii saddexaad waxaanan ugu tagaynay sidii loo soo afjari lahaa heshiiska ay wada galeen dawladda Somaliland iyo shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta meel wanaagsan ayuu noo marayaa insha allah waxaananu rajaynaynaa in arrinkaasi soo gabo gaboobo bishan soo socota, waxa inta badan iminka gacanta ku haya garyaqaano anagu aanu qabsanay oo caalami ah iyo iyaga garyaqaanadoodii iyo niman kale oo khuburo ah oo aanu annagu qabsanay oo gabo gabadii ku jira”  waxaana uu intaasi raaciyey ” run ahaantii mashruucani waa mid aad u qiimo badan dhaqaale ayaa inoogu jira waxa inoogu jira shaqo abuur horumar iyo aqoon ayaa inoogu jira siyaasad ayaa inoogu jirta waa lag yaaba inay jiraa dad xaalad iminka dan ku qaba iyo kuwo laga yaabo inay siyaasiyan uga soo horjeestaan laakiin marka aad hoos ugu daadagto intii mashaariic ah ee ina soo martay waa kii ugu qiimaha badnaa, waxa ugu horreeya ee la qabanayo heshiisku marka uu dhaco waxa weeyi  in laga hawl galo sidii loo dhisi lahaa dekedd cusub oo 400 Mitir  ah dabcan dee waxa ay qaadataa wakhti laakiin waxa aanu ku heshiinay in laba iyo tobon bilood gudahood la bilaabo”

Geesta kale wasiirka ayaa ka hadlay aragtida dadka qaar ka qabaan heshiiskan ee ah in dekedda la iibinayo, waxaana uu wasiirku ku adkaystay inay dadka intiisa badani taageersan yihiin balse waxa uu sheegay inay iska caadi tahay in dadka yar ee ka soo hor jeeda ay dareenkooda muujiyaan waxaana uu ballan qaaday inay ka xukuumad ahaan isku dayi doonaan inay shacbiga qanciyaan, isagoo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi:

” horta annigu waxa aan qabaa in dadkii boqolkiiba sagaashan ay mashruucan ay taageersan yihiin waa boqolkiiba toban baa laga yaabaa inay dadka diidan laakiin dee dadkaasi ayaa codkooda muujiyay waana loo baahan yahay inay codkooda muujiyaan dadka taageersan iyo kuwa kale waana loo baahan yahay in lays qanciyo anaga laftigayagu haddii ay nagu dhiman tahay in aanu dadka qancino oo aanu sharaxno waanu qancinaynaa oo waanu la hadli doonaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com