Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Madaxweyne, Xidh Albaabka Soomaaliya Haddii Kale Salaadiin-baad Sheegaysaa Ee Wasiirradaa Kuu Shaqeeya Ayay Qaar Xamar Tagi Doonaan…”

Warar naga soo gaadhaya degmada gaashaamo oo kamida kilidhka shanaad ayaa waxay sheegayaan inay degmada gaashaamo soo gaadheen wafti ka kala socota dawlada fadaraalka itoobiya iyo kuwa kilidhka shanaad ee dawlad deegaanka somalida itoobiya.

Waftigan ayaa la sheegay inay ka kooban yihiin 9 xubnood isla markaana  ka kala socda baarlamanka dawlada fadaraalka itoobiya iyo xildhibaanada kilidhka 5-aad, waxaan waftigan hogaaminaya sida naloo sheegay gudoomiye ku xigeenka golaha baarlamaanka dawlada fadaraalka itoobiya oo ka dhigan golaha guurtida Rashiid Xaaji oo isagu kasoo jeeda Habar Geele.

Ujeedada waftigan ku tageen degmada gaashaamo ayaa ah sidii ay xaqiiqo rasmi ah uga heli lahaayeen falkii foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay degmada gashaamo isla markaan ay ciidanka New Police-ku ku xasuuqeen dad rayid ah oo u badan waayeel caruur iyo maato.

Waxaana waftigan xubno ka ah sida naloo sheegay horjoogaha xildhibaanada shanta kilil ee isbahaysiga kula jira xukumadda EPRDF oo lagu magacaabo Macalin shukri oo laga soo doortay Ceel Kare, xubnaha waaftigan akmid aha ayaa waxay kala yihiin sidan

  • Xildhibaan Suldaan Korfaa Gaarane oo ka tirsan golaha wakiilada fadaraalka lagana soo doorto Awaare
  • Xildhibaan Cabdiraxmaan oo ka tirsan wakiilada fadaraalka lagana soo doorto degmada gaashaamo.

Sidoo kalena waxa naloo sheega inay xubnahan kamid yihin xildhibaanada kilidhka shanaad oo ay kamid tahay gabadh xildhibaanad ah oo laga soo doortay Deeganaka Goday.

Waftigan ayaa la filayaa inay maalmo ku sugnaan doonaan degmada gashaamo iyo deeganada ku deedsan iyga oo tagi doona goobtii falk foosha xun ka dhacay ee dadka sida arxan darada ah loogu xasuuqay ee deegaanka Jaamac Dubad iyaga oo la filayo inay waraysi la yeeshaan dadka deegaanka isla markaana ay ka waraystaan sidii wax u dhaceen.

Ugu danbayntii wararka naga soo gadhay degmada gashaamo aya waxay iyagu tibaaxayaan in ciidamada new police-ka ee dawlad deegaanka Somalida itoobiya oo ku sugan deegaanada Gor-gor iyo Booda Dheere ay ururiyeen Dad iskugu jira Rag Dumar iyo caruur isla markana sida naloo sheegay ay badiba sii daayeen dumarkii iyo caruurtii halka ay haystaan ragii kuwaasi oo ku qasbaya inay sheegaan halka ay dhigeen hub ay sheegen inay haystaan balse ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya deegaanka.

Xaalada deegaankada Gorgor iyo Booda Dheere aya naloo sheegay inay hada kacsan tahay isla markaana dadka deegaankaasi ay ka cabsi qabaan xasuuq mar labaad dhaca oo ay u gaystaan ciidamadaasi dadka rayidka ah e degaanada.

 

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com