Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwaynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Masuuliyiinta Ururka Samafalka Ee Al-Khayr Foundation Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley maanta masuuliyiinta Ururka Sama-falka ee Al-khair Foundation, kuwaasoo uu horkacayey agaasimaha fulinta (CEO) ee hay’addaasi, Mr Saif Ahamed, oo isla markaana ah safiir ka tirsan Madasha Hoggaaminta Caalamka Islaamka (Ambassador World Muslim Leadership Forum).

Masuuliyiintan oo madaxweynaha ugu yimid booqasho sharaf iyo mid hawleedba ayaa waxa madaxweynaha uga mahadnaqeen qaabilaadda, waxaanu agaasimaha fulinta ee hay’addu raaciyey inay shaqooyin samo-fala ka wadaan dalka gudihiisa kuwaas oo ah mashaariic dhinaca biyaha ah.

Wuxuu intaasi ku daray inay u socdaan oo ay u sidaan madaxweynaha iyo masuuliyiin wehelisa martiqaad rasmi ah oo ay ku tagaan magaalo madaxda Malaysia ee Kuala Lumpur, horaanta bisha Oktoobar, 2016.

Wuxuu raaciyey oo kale, agaasimaha fulintu bogaadin iyo ammaan uu u soo jeediyey madaxweynaha oo uu ku sifeeyey hoggaamiye fiican, markhaatina uu uga dhigay Somaliland oo ay ka hano-qaadday dawladnimo taam ahi, xaqna ay u leedahay aqoonsi caalami ah oo ay hesho.

Hadda-ladiisna waxa ka mid ahaa “Madaxweyne waxan kaaga mahadcelinayaa si kal iyo laab ah qaabilaada aad na qaabishay adiga iyo masuuliyiinta ku wehelisaba. Marka labaad, muddo imika gaadhaysa ilaa todoba sano ayaan si khayriya uga hawlgelaynay dalka. Waxan ceelal biyood ka qodnay ilaa shan deegaan oo dalka ah oo saddex ka mid ah si buuxda biyaha looga cabbo, labada kalena dhakhso looga cabbi doono sida aan ku rajo weynahay. Waxa iyana aanu biyo dhaamin u samaynay meelo badan oo dadka dan-yarta ahi degen yihiin oo ay ka mid tahay xaafada State House ka iyo meelo kale. Wuxuu agaasimaha fulinta ee hay’adaasi intaa uga gudbay, sida uu ugu han-weyn tahay, una jecel yahay inuu arko Somaliland oo rasmi ahaan uga mid ah beesha caalamka ”.

“Madaxweyne, waxan si buuxda ugu qanacsanahay dawladnimada Somaliland oo aan u arko inay taabo gashay oo ay gaamurtay, taasoo ku timid hoggaamintaada waayeelnimo iyo khibradaada. Waxad istaahishaan in laydin aqoonsado. In laydin ictiraafaa Bariga Afrika iyo inta Soomaalidu degtaba waxay ku soo kordhinaysaa xoog, wanaag iyo nabadgelyo, mana aha sida loo dhigo in haddii laydin aqoonsado ay Soomaalidu kala daadanayso”.

Ha ka daalina, sii wada is-iibinta aad waddaan iyo dalabkiina beesha caalamka ee kuwaajahan in laydin aqoonsado, kana qaybgala shirarka caalamigaa oo qadiyadiina ka sheegta, sida shirkan aan idinku macsuunay ee Kuala Lumpur, Malaysia. Waxan ahay 60 jir, leh 35 sano oo khibrad ah, waxan balan qaadayaa in aan ka qaybgalo ictiraaf raadinta Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalka la wareegay ayaa uga mahadnaqay masuuliyiinta hay’adda booqashada ay ugu yimaadeen ee isugu jirta maamuuska iyo shaqadaba, waxa kaluu boogaadiyey hawlaha samo-falka ee ay ka wadaan Somaliland iyo martiqaadka ay u fidiyeenba, waxaana ka mid ahaa haddaladiisi “ aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa booqashadiina isugu jirta mid sharafeeda iyo mid shaqo eed iigu timaadeen. Waxa kale oon idinka mahadnaqayaa mashaariicda biyaha eed gacanta ku haysaan ahna meelaha bulshadaydu aad ugu baahan tahay, iyo martiqaadka aad iigu baaqdeenba”.

Marka hore waxad sax ku tahay inaad fahansan tahay in haddii Somaliland la aqoonsado aanay jirayn Soomaali kala daadanaysaa, balse ay noqonayso xoog, wanaag iyo jaarnimo u soo korodha Somalida guud ahaan iyo Bariga Afrikaba.

Martiqaadka aad I martiqaadeen waan tixgelinayaa, wanan idinka mahadnaqayaa wanan ka fekerayaa Insha Allaah.

Ugu dambayn Al-khair Foundation oo xafiiskeeda guud ku yaallo London, Ingiriiska, Xafiisna ku leh Hargeysa Somaliland, ayaa hadyad gudoonsiisay Madaxweynaha, isla markaana farta ka saaray waraaqaha martiqaadka rasmiga ah ee shirka caalami ah oo lagaga wada hadli doono arrimaha islaamka ee caalamka, kana soo qaybgelidoonaan hoggaamiyeyaal iyo siyaasiyiin magac ku leh caalamka islaamka iyo dunida inteeda kaleba, halka madaxweynuhuna ka gudoonsiiyey hadyad ka kooban astaanta qaranka iyo Khariirada Somaliland.

Waxa kulankaa madaxweynaha ku wehelinayey, Madxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil |(Saylici), Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isagu weftigan gadhwadeen u ahaa.

Markii shirka laga soo baxay waxa saxaafadda la hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta iyo, Agaasimaha fulinta ee hay’addaasi, Al-khair Foundation, iyo Cusmaan Yuusuf Cabdilaahi oo hay’adda la-taliye u ah iyo Miss. Sarah Jefferys oo ah madaxa mashaariicda ee hay’adaas.

1 2 3 4 5 6 7 9 47d63fa3-3305-471f-8fb6-d279d28a2c93

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com