Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khilaaf Xoogan Oo u Dhaxeeya Wasiir Maxamud Xaashi iyo Muuse Biixi Oo Soo ifbaxay Warbixin : Wariye C/raxmaan Nuux (Hiiraan) Hiiraan2007@gmail.com

iyada oo mudoyinkii u danbeyayba la hadal hayay khilaaf huursanaa  oo u dhaxeyay wasiirka madaxtoyada maxamuud xaashi iyo gudomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi ayaa dibada usoo baxay,

Khilaafkan labada masuul ayaa la shegay inuu salka ku hayo damaca wasiirka madaxtoyadu ku raadinayo inuu noqdo gudomiyaha xisbiga kulmiye halka musharaxa xisbiga kulmiye uu ka warwaregayo balse hadba balan aan sal baladhan aan ku tagnayn u qadayo wasiir maxamud xashi isla markaasna musharax muuse la shegay inuu sadex shilbirood dhagax ku wada dilayo,

Kuwaasi oo lagu tilmamay inay kala yihiin gudomiye ku xigenka kowaad xisbiga kulmiye maxamed kaahin,afhayeenka xisbigaasi mr xasan gaafadhi iyo

wasiir maxamuud xaashi oo mid kastaba dhabarka u taabtay una sheegay inuu yahay dhaxal-sugaha kursiga gudomiye-nimada xisbiga kulmiye,

Hasa yeshee wasiir maxamuud xaashi ayaan isagu marnaba ku qanacsanayn dhabar taabashada iyo balanqaadka muuse biixi taasina waxay sababtay inuu soo xoogaysto khilaafka cakiran ee u dhaxeeya wasiirka iyo musharax muuse biixi,

Waxaana la shegay inuu markii ugu horraysay soo ifbaxay khilafkani isku shandhayntii golaha xukumada ee dhawaan dhacday ka dib markii xubnihii uu watay muuse biixi ee uu la damacsanaa inay ka mid noqdaan isku shandhayntaasi haday noqoto wasiiro,agasimayaal iyo iwm

Waxaanu wasiir maxamuud xaashi gabi ahaanba ka reebay isku shandhayntaasi xubnihii uu watay musharax muuse biixi isaga oo ku bedelay kuwo taabacsan siyasadiisa.

Arrimaha kale ee cirka ku shareray khilaafka labadani masuul u dhaxeeya ayaa waxa  ka mid ahaa ka dib markii Ex Taliye cismaan dacas uu sib a-an u weeraray musharax muuse biixi kuna Eedeyay inuu ka qaaday hanti bereed oo uu lahaa,

Hasa yeshee musharax muuse biixi ayaa eedaymahani loo jeediyay ku eedeyay inuu lug ku lahaa wasiir maxamuud xaashi maadama oo Ex Taliye Cismaan Dacas adeer u yahay wasiir maxamuud xaashiga madaxtoyada isla markaasna wasiir maxamud xaashi Ex Taliye Cismaan Dacas ku booriyay inuu saxafada ka hadlo isla markaasna ku andacodo in la laga soo qabto musharax muuse biixi,

Ugu danbayntii khilaafkani cakiran ee u dhaxeeya labadani masuul ayaan la saadalin Karin halka uu ku danbayn-doono maadama wasiir maxamuud xaashi wakhti xaadirkani hayo mindida daabkiisa,waxaanu khilaafkani noqday mid ay ku sii kala fogadan labadani masuul,

Wariye C/raxmaan Nuux (Hiiraan) Hiiraan2007@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com