Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ujeedada Marti-qaad Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo ku Tagay Qaahira

 

weftiga Wasiirka KhaarajigaQaahira(MSL):-Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shirre  iyo wefti uu hogaaminayo oo  socdaal shaqo ugu baxay dalk Masar  ayaa la sheegay in shalay si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada dalkaas ee Qaahira.

Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo xubnaha weftigiisa  ay  ka mid ahaayeen Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa qeybta Bariga Dhexe Fahmi Maxamed Qaasim, ayaa  sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sii xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhexeysa labada wadan.

Socdaalka weftiga Somaliland oo  la sheegay inuu ka dambeeyey martiqaad rasmi ah Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ka helay dhigiisa Masar Mr  Saamix Shukri. Weftigan waxa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan  madaxda dalkaasi mudada ay booqashada ku joogaan Qaahira.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland, waxa lagu caddeeyay in masuuliyiinta weftiga Somaliland la kulmi doonaan ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda  Masar    Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada  sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.

Socdaalka weftiga Somaliland ee Masar oo la saadaalinayo inuu wax badan ku kordhin doono adkaynta xidhiidhka iskaashi ee labada wadan wadaagan, ayaa sii hagaajinta wax wada qabsi dhex mara labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com