Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne Hadii Aad Tidhi” Badhasaabka Iyo Xoghayaha Gobolka Togdheer Beel Kaliya Ma Wada Haynayso Waxaanu Ku Leenay Madaxwayne Iyo Gudoomiye Guurti Beel Kaliyi Wada Haymayso”Caaqil Bacood”

Caaqil Khadar Bacood oo Kamida Madax-dhaqameedka somaliland gaar ahaan Beelaha Arab ayaa si adag uga hadlay xilka qaadista xoghayaha fulinta gobolka togdheer kaas oo uu ku macneeyay Ayaan darro wayn oo la soo daristay xukuumadda siilaanyo

caaqil bacood1sidaasna wuxuu caaqil khadar bacood ku sheegay war murtiyeed soo gaadhay Xarunta Baligubadlemedia oo uu isagu ku saxeexanyahay kaas oo u dhignaa sidan:

 

bismilaah wasalaatu wasalaamu calaa ashraful muslimiin intaas ka bacdi waxaan doonayay inaan ka hadlo arin cid kasta oo maqashay ku noqotay fajiciso arinkaas oo ah xilka qaadista xoghayaha fulinta gobolka togdheer taas oo sifaha looga qaaday tahay qaab ceeb iyo foolxumo ku ah dawladda iyo dalkaba

wasiiradda arinkan ka dambeeyay ee uu kaw ka yahay wasiirka madaxtooyaddu waxay ahayd inuu xishoodo ee may ahayn inuu yidhaahdo beeshayada ayaa xoghayaha doonaysoo kii hore ee hayay waan ka qaadayaa waxay ahayd inuu wasiirku waxaas ka xishoodo

hadii markaa lakala xishoon waayay oo beeshii aanu mansabkii ugu sareeyay dalka saarnay marayso shaadhkastaa anaguu na leegyahay waxaanu leenahay madaxwayne inaad waxaas oo kale eegato may ahayne hadaad adiga iyo wasiiradaaduba arinkaas ka badheedheen oo aad tidhaahdeen badhasaabka iyo xoghayaha gobolku isku beel noqon maayaan ee boosbaanu beeshayada siinay dee anaguna waxaanu leenahay madaxwaynaha iyo gudoomiyaha guurtidu isku beel noqon maayaane mid iska soo wareejiya.

hadii awooda dawladeed ee umaddu idiin dhiibatay aad noocan ugu macaamilaysaan oo aad boob beeleed raaciseen dee umaddu waa beelo beel beel ka adagina ma jirto ee sharcigaa umadda kala wadda ee hadii madaxwayne taasi adiga iyo wasiiradaada deeqi waydo beelaa la noqon oo beelina beel kale xoog kuma haysan karto

hadii la xisaabtamo waa la garanayaa cida daalaca haysa ee mansabyadii umadda boobtay waxaanse bulshadda somaliland u sheegayaa horta beeshii aynu mansabka ugu sareeya dalka saarnay waa taas dhaafi la’ xohaye yar oo gobol beesha ay xogahaya gobolka xooga kaga qaadayna xoghayaas oo kaliya ayay ku lahayd saamiga gobolka badhasaabka togdheerna wuxuu ku badalnaa oo lagu badalay badhasaabka gobolka Hawd, waxa dhacayse waxay bulshooy idiin muujiyaan halkii dalkii somaliland marayo

qoladan habar jeclo ee dalkii boobtayna waxaan leeyahay maalmo koobanbaa idiin hadhee hantida umadda ee aad boobteen halkeebadun la tagi ilayn mansabkan aad xoolaha umadda ku boobteen waligiin hayn maysaane

shalaybaanu ogayn wixii aad cabdalle arab ku samayseen maantana tanaa ugu darteen waxaan idin leeyahay cagtii joogsan waydaa mar bay ceeb la kulantaa dalkuna sidan dal ku ahaan maayo oo idinku daawan maynee hadii sidan qaawan aad joojin waydaan waanu iska kiin celin beelaynu nee

shalaybaanu ogayn wixii xaqsoor ku dhacay, waxa kaloon ogayn sidii badheedhka ahayd ee xisbigii la wada lahaa aad beel gaar ah ugu wareejisay waxa kalaanu ogayn anagoo ah beeshii kursigan ku saartay mansabyada daciifka ah ee awqaaftu ku jirto ee aad na siisay, dee waxaanu ku leenay madaxwayne awqaaftana beeshaada sii

waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa hadaanu nahay beeshan u dulqaadan mayno in beeli shaadh dawladeed intay noo xidhato waxay doonto nagu samayso ee waxbaanu iska celin dulqaadkii wuu naga dhamaadee

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com