Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha UCID Oo Ku Baaqay In Si Siman Loo Qeybsado Xilalka Waaweyn

Hargeysa -Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in loo baahan yahay in tallo qaran laga yeesho hab socodka siyaasada dibada Somaliland, waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in shirarka dibada ee xukuumaddu ka qeyb galayso la isla eego ajandaha lagaga hadlayo.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay maanta oo uu soo gaadhay magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka soo kicitimay Magaalada Berbera oo uu xalay u hoyday ka dib markii uu ku soo guryo noqday dalka waxaanu muddo socdaal shakhsi ah ugu maqnaa dalka Finland.

Guddoomiyaha oo qaar ka mid ah taageereyaasha xisbigaasi kula hadlay xarunta dhexe ee xisbigaasi ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay mid yihiin, siyaasada dibada, furashada siyaasada iyo qodobo kale.

Faysal Cali waraabe waxa uu xukuumada ku bogaadiyay lacagtii giimbaarta ahayd ee ay dhawaan ka bedeshay gobolka Togdheer, waxaanu tilmaamay inuu arrintaasi aad u soo dhawaynayo.

Guddoomiyuhu waxa uu ku baaqay in si siman loo qeybsado xilalka waaweyn ee dalka waxaanu yidhi “Afrika dhibaatadeedu waxay ka dhalataa dhaqaalaha dalka oo aan si siman loo qeybin, waa in dadka xilka hayaa uma hayaan beeshooda oo kaliya ee reer Somaliland oo dhan ayay u hayaan ee waa inay si xaq ah ugu qeybiyaan dalka. Qeylo ayaa ka soo yeedhaysa dalka la leeyahay shaqooyinkii looma sinna oo qabyaaladii geeso ayay yeelatay waa in geesaha laga jaraa qabyaalada. Walaal gobolada cabanaya ee ay ka mid yihiin Laascaanood iyo Awdal waxa weeye in awooda dalka qeybtooda la siiyo in la isku koobo ma aha oo qolo qudhi qaato.”

“Awooda sare ee ah madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka iyo Guurtida iyo Maxkamadaha si siman ayaa loo qeybsan jiray waxa weeye wixii ay Soomaaliya ku burburtay, ma fiicna inaynu marno waddii aynu ka dagaalanay oo kale ee cadaalad darrada ah,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qaran ahaan laga wada tashado siyaasada dibada isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Siyaasada dibada ee Somaliland waxay u baahan tahay in laga wada tashado. Marka shir la tagayo waxa ina xukuma ajandaha shirka lagaga hadlayo ee ma aha in la yidhaahdo hebel lamaan kulmin iyo hebel lamaan fadhiisan ee waa in mowduuca shirka lagaga hadlayo aynu eegnaa oo haddii uu wax inoo tarayo aynu eegnaa haddii kalena ka joognaa.”

Guddoomiyaha UCID waxa uu si adag uga soo horjeedsaday fikrada la xidhiidha furashada ururada siyaasada “Ururadan la leeyahay ha la furo waxaan u aragnaa inay dhibaato keenayaan oo ay jees jees inaga dhigi doonaan oo dhulka iyo cirkaba la kala sheegan doono. Sadex xisbi ayaa dalka ka jira anaga axsaabtu nooma afduubna laakiin xisbigu wuxuu u baahan yahay in tacab la gashado oo la dhiso oo laga shaqeeyo laakiin baarashuud ayaan ku soo dagayaa in la yidhaahdo ma soconayso.waxaan leeyahay dadka ururada doonaya axsaabta gala oo tacabka aanu gelinay oo kale geliya,”ayuu yidhi Md. Faysal Cali.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay xisbi ahaan kala saari doonaan murashaxa xisbiga iyo Guddoomiyaha waxaanu dadka hanka siyaasadeed leh ugu baaqay inay ku soo biiraan xisbigiisa oo ay tacab gashadaan.

“Saxaafaddu beryahan waxay qortaa UCID way is haysataa malaa waxaad ka heshaan waxa is haysta UCID walaalayaal isma haysato xisbigayagu ima qabsanayo, waa dimuqraadi waa lalala doodayaa Guddoomiyaha ee ILAAHAY ha naga hayo khilaaf,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com