Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jaamacad Ku Taala Dalka Itoobiya Oo Shahaado Qaali Ah Gudoonsiisay Gudoomiye Cirro+Sawiro

(MSL)Maamulka jaamacadda New Generation ee dalka Itoobiya, ayaa  shahaado sharaf nooceedu tahay shahaadada ugu sarraysa ee laga gaadho barashada cilmiga ee loo yaqaano PH.D ay maanta xarunta guud ee jaamcaddaas oo ku taalada magaalada Adis-ababa, waxa ay ku guddoonsiiyeen guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Guddoonsiinta shahaado sharaftan oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Adis-ababa oo ay ku qalin-jabinayeen boqolaal arday oo dhammaystay waxbarashada kala duwan ee jaamacaddaha New Generation, ayaa maamulka jaamacaddaasi, waxa ay u jeedka shahaado sharaftan ku sheegeen in ay Dr.Cirro guddoonsiiyeen ka dib markii ay arkeen in sida uu mar walba u adkeeyo u na ilaaliyo xidhiidhka bulsho iyo dawladdeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo weliba sida uu u uga qeyb-qaato xalinta khilaafaadka iyo guud ahaan dhismaha nabadda jamhuuriyadda Somaliland.

Maamulka jaamacadda New Generation, waxa  kale ay isla goobtaas kaga dhawaaqeen in guddoomiye Cirro laga billaabo maanta ay u aqoonsadeen in uu yahay shakhsi sita magaca Diktoornimada “Dectorate” oo ay kasbadaan oo kaliya dadka tirada yar ee gaadha shahaadada ugu sarreysa ee laga qaato xagga barashada aqoonta.

“Dr.Cabdirahman Mohamed Abdillaahi( Dr.Irro), has been named a recipient of outstanding honorable award in doctorate degree for his notable contribution to strengthen people to people relations in Ethiopia and Somaliland. Generous and altruistic action in peace building and conflict resolution in Somaliland. Outstanding accomplishment in the field of education that benefits the Somaliland community.

According to NGUC honorary degree acceptance this honorary doctorate degree is given in Addis Ababa, Ethiopia on twenty seventh day of August 2016”.Ayaa lagu yidhi qoraalkii ku qornaa shahaadada la guddoonsiiyey guddoomiye Cirro.

Geesta kale Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu tilmaamay in uu si aada ugu faraxsan yahay in jaamacadda New Generation ay guddoonsiiso shahaadada ugu sarreysa ee laga qaato barashada aqoonta, isaga oo xusay in uu ka guddoomay uga na mahad-celinaayo maamulka jaamacadda New Generation oo uu ku tilmaamay in ay taay jaamacad soo saarta hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika. Waxa kale oo uu hambalyeeyey ardeydii tirada badneyd ee halkaas ka qalin-jabisay isaga oo u jeediyey khudbad aad u qiimo badneyd oo ku saabsanayd qiimaha barashada aqoonta iyo sida ay u anfacdo bani aadamka.

Ugu dambeyntii, shahaado sharaftan la guddoonsiiyey Dr.Cirro, ayaa noqonaysa shahaadadii ugu horreysay ee jaamacado laga lee yahay dalalka kale ee aduunku ay guddoonsiiyaan mas’uul Somaliland ah, waxaana ay wax weyn ka bedeli doontaa magaciisa oo ay hor-gale u noqon doonto kelmadda Diktoor.”Dr”.

3 4 5 6 7 1 2 14100270_10153742464662805_2233253503153904426_n

 

2 Responses to Jaamacad Ku Taala Dalka Itoobiya Oo Shahaado Qaali Ah Gudoonsiisay Gudoomiye Cirro+Sawiro

Leave a Reply to Abdirahman Ahmed Cancel reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com