Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Booliska Sool Oo Hawlgal Ay Fuliyeen Ku Soo qabtay 8 Nin Oo Tuhuno Argagixiso Galeen

Laascaanood (maantaSomaliland.com)-Ciidammada Ammaanka ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa shalay waabarigii guryahooda ka soo qabqabtay oo xabsiga u taxaabay 8 nin oo ka mid ah wadaadada iyo ganacsatada magaalada oo sida la sheegay lagu tuhmay falal argagixiso.

Ciidanka Booliska ayaa nimankan si gooni gooni ah ugu soo qabtay guryahoodii ka dib markii laga soo baxay salaadii subax.

Ma jiro war rasmi ah maamulka Gobolka Sool ka soo saareen xadhiga nimankan oo isugu jiray wadaado iyo ganacsato kala duwan, waxase wararka aanu ka helayno magaalada laascaanood ay sheegayaan in nimankan lagu wado baadhis xoog leh oo ciidamadda sirdoonka iyo CID-du ay wax kaga weydiinayaan tuhunada argagixiso ee loo haysto.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye iyo masuuliyiinta qeybta booliska gobolkaasi ayaanay noo suurto gelin inaanu helo ka dib markii ay telefoonadii qaban waayeen.

Dhinaca kale Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ee beryahanba ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa shalay booqday fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool iyo goobihii isniintii dagaalku ku dhex maray maleeshiyo huwan ah oo isugu jirtay Puntland iyo kooxda nabad diidka ah ee SSC oo is garabsanayay iyo ciidamada qaranka Somaliland.

Wasiirku wuu ku hambalyeeyay ciidamada siday gaashaanka ugu daruureen una cadhsadeen wax uu ku tilmaamay maleeshiyada soo weerartay.

Weftiga Wasiirku waxay ciidanka u qeybiyeen xoolo loogu tallo galay in loo qalo.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com