Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Laba carruur ah ayaa u dhintay shuban ka dilaacay tuulooyinka Fadhi xun iyo Cagaar-weyne ee degmada Baki ee gobolka Awdal.

Boorame (maantaSomaliland.com)- Laba carruur ah ayaa u dhintay shuban ka dilaacay tuulooyinka Fadhi xun iyo Cagaar-weyne ee degmada Baki ee gobolka Awdal. Sida uu daboolka ka qaaday Isu duwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. C/Raxmaan Jaamac Haddi.
Xanuunkan waxa kale oo uu soo ritay illaa 36 caruur ah oo xiligan la il daran, waxaana isku duwuhu uu sheegay inay u direen koox caafimaad oo gurmad deg deg ah la gaadha jiidaasi “Waxa ka jira xanuun shuban ka dilaacay tuulooyinka Fadhi xun iyo Cagaarweyne oo hoos timaada degmada Baki ee gobolka Awdal, waxaana xanuunkaasi u jiifa 36 carruur ah oo la il daran, sida uu ku soo warbixiyay madaxa xarunta daryeelka dhalaanka iyo hooyada ee degmada Baki, waxaana loo diray koox caafimaad oo gurmad deg deg ah gaadhsiisa,”ayuu yidhi Isku duwaha caafimaadka ee gobolka Awdal.
C/Raxmaan Jaamac Haddii oo u waramayay khadka telefoonka shabakada wararka ee maantasomaliland waxa uu sheegay in shaqaalaha caafimaadka gobolkaasi tiradoodu dhan tahay 169 qof “Shaqaalaha Caafimaadka ee gobolka Awdal tiradoodu waa 169 qof, waxaanay u kala qeybsamaan cisbitaalka guud Boorame, Cisbitaalka TB-da, xarunta caafimaadka gobolka iyo labaatan xanaano oo gobolka Awdal ka jira,”ayuu yidhi Dr. C/Raxmaan Jaamac Hadi
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com