Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Oo Si Dadban Ugu Dhawaaqday In La Kala Qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka.

Xukuumada somaliland ayaa go,aan ka gaadhay in goobaha lagu muransan yahay ee waqooyiga magaalada Hargeysa laga qaban doono diwaan gelinta iyo doorashada madaxtooyada.

Wasiirka arimaha gudaha somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir  (Faratoon) ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu kaga dhawaaqay qodobo ay xukuumadu ka soo saartay goobaha lagu muransan yahay ee waqooyiga Hargeysa, kuwaas oo ay u fasaxday inay is diwaan geliyaan isla markaana codayn karaan oo kaliya doorashada madaxtoooyada.

Wareegtada ay xukuumadu ka soo saartay goobahaasi ayaa cadaynaya go,aan aanay wali xukuumadu ku dhawaaqin oo tilmaamaya in si toos ah loo kala qaaday doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada oo

Maanta Somaliland

Maanta Somaliland

qorshuhu ahaa inay mar la wada qabto.

Qodobada ay xukuumadu ka soo saartay goobahaas ayaa kala ahaa

1.     lixdaa goobood meelna ma raacayaan ee waxay ka qayb galayaan doorashada madaxtooyada oo kaliya, dadka goobahaas iska diwaan geliyaa waxa codkooda loo isticmaalayaa doorashada madaxtooyada oo kaliya, codkoodana looma isticmaalayo doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka

2.     inaan laga gali doonin doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanada ilaa inta go,aan cad laga gaadhayo halka ay raaci doonaan, waxaana la sugayaa ilaa inta masiirkooda go,aan laga gaadhayo oo xadkooda la cadaynayo.

3.     waxaan cadaynayaa inaanay diwaan gelinta codbixiyuhu saamayn  ku yeelan doonaan go,aan ka gaadhista lixdaas goobood iyo kala xadayntooda.

4.     Ciidanka booliska somaliland waxa lagu war gelinayaa inay ilaaliyaan nabad galyada isla markaana ka gutaan waajibkooda qaran mudada ay diwaan gelinta codbixintu ka socoto goobahaas oo kala ah Hulka, Ceel Sheekh, Cabdi Geedi, Ceel la Helay, Dulaanley iyo Damasha.”

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com