Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Maxkamada Degmada Gabiley ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday Guddoomiyihii hore ee Degmada Tog-wajaale Qawrax Muuse Xuseen,iyo laba xubnood oo xoghayeyaal ka ahaa Dawlada Hoose ee Wajaale. Sida uu noo xaqiijiyay xeer ilaaliyaha maxkamada Gobolka Gabiley Cabdi Xasan Axmed oo maanta khadka telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee maantasomaliland.com

Gabiley (maantasomaliland.com)-Maxkamada Degmada Gabiley ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday Guddoomiyihii hore ee Degmada Tog-wajaale Qawrax Muuse Xuseen,iyo laba xubnood oo xoghayeyaal ka ahaa Dawlada Hoose ee Wajaale.

Sida uu noo xaqiijiyay xeer ilaaliyaha maxkamada Gobolka Gabiley Cabdi Xasan Axmed oo maanta khadka telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee maantasomaliland.com ,xadhiga masuuliyiintan ayaa lagu eedeeyay in ay lunsadeen lacag qadarkeedu dhan yahay boqol iyo Afar iyo konton milyan oo Somaliland shilling ah, iyada lagu xukumay min saddex sano oo xadhig ah oo aan iib lahayn iyo in aanay shaqo danbe oo dawladeed qaban karin.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Tog-wajaale Qawrax Muuse Xuseen ayaa isagu muddo todoba bilood ah ku xidhnaa bilaa xukun xabsiga magaalada Gabiley,iyada oo ay wararka qaar sheegayaan in xaaladiisa caafimaad liidato oo uu muddo badan ku xanuunsanayay jeelka,inkasta oo maanta la xukumay Guddoomiyihii hore ee Tog-wajaale ayaa hadana waxaa uu bilaa xukun xabsiga ku qaatay muddo dheer.

Labadan masuul ee kale ee maanta lala xukumay Guddoomiyihii hore Wajaale oo ay magacyadoodu kala yihiin Cabdi Siciid Iimaan iyo Jaamac daa’uud Ibraahim oo iyaguna xoghayeyaal ka ahaa dawlada hoose ee degmad awajaale,inkasta oo labadan masuul iyaga oo maqan la xukumay ayaa xadhigaoodu waxaa uu ka bilaabmi doonaa marka la soo qabto sida uu noo sheegay xeer illaaliyaha maxkamada gobolak Gabiley Cabdi Xasan Axmed.

Dacwada masuuliyiinta maanta la xukumay ayay maxkamadu dhawr jeer ooh ore dib u dhigtay,iyada oo maxkamada racfaanka eegobolka hargaysa ay ka diiday codsi muddo kordhin ahaa oo ay soo dalbadeen xafiiska xeer ilaalinta gobolka Haragysa oo ku taariikhaysnayd 28/02/2011,sumadiisuna ahayd XIG/G/242/20011.

Masuuliyiinta Maxkamadu Maanta xukunada ku riday ayaa dhamaantood ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Udub, Nuqul ka mid ah Xilwareejintii Dawlada hoose ee Degmada wajaale oo Gabiley news heshay ayaa cadaynaya in Masuuliyiinta la xukumay qaar mid ah Xilka laga Wareejiyay Wakhtigii uu Madaxwaynaha ahaa Daahir rayaale kaahin kaasi oo ah Jaamac Daa,uud ibraahin oo xilka ku Wareejiyay Cabdi Siciid iimaan 15/06/2010.

Maaha Markii ugu horaysay ee Maxkamada Gobolka Gabiley Xukun ku rido Masuuliyiin lagu eedaynayo Lunsi hanti qaran iyada oo Maxkamadu Xukun noocan oo kale ah hore ugu Riday Cabdi iimaan Taani (Cabdi Xabshi) oo ka tirsanaa Waaxda Cashuuraha Bariga ee Gabiley, waxaa iyana laga dhursugayaa Maayarkii hore ee Degmada Gabiley oo Hanti dhawrku ku soo eedeeyay Hanti lunsi ayaa filayaa in Todobaadkan Dacwadiisu bilaabanto.

Si kastaba ha ahaatee Xukunka lagula kacay Masuuliyiintan ayaa ka hor imanaya Digreetadii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ku joojiyay Qabashada Masuuliyiintii Xukuumadii hore, taasi oo la odhon karo wali kama ay dhaqan galin Gobolka Gabiley. warkan oo faah faahsan kala soco shabakada wararka ee maantasomaliland.com goor dhaw
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com