Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo wefti ay hoggaaminaysay ayaa maanta dhagax dhigtay dhismaha xarun lagu daryeeli doono carruurta agoomaha magaalada, kaasi oo laga binaynayo xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco.

Burco (maantSomaliland.com)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo wefti ay hoggaaminaysay ayaa maanta dhagax dhigtay dhismaha xarun lagu daryeeli doono carruurta agoomaha magaalada, kaasi oo laga binaynayo xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco,
“Waxaan u mahad naqayaa dadka sharfta leh ee Maanta halkan isugu yimi ee aan ku dhagax dhigayo Xaruuntii Agoomaha ee Gobolka Togdheer oo aan rajanayo in ay noqon doonto goob ay mustaqbalka caruurta Agoonta ah ee ku barbaartaa ay noqon doo naan kuwo mustaqbal wanaagsan hela Waxaanan ILAAHAY ka baryayaa in uu dhamaystir wanaagsan inoogu dhameeyo hirgalinta xaruntan oo baahi weyn loo qabo,”ayay tidhi Marwada koowaad ee Somaliland oo ka hadashay dhagax dhiga xaruntaasi.
Sidoo kale Marwo Aamino Weris ku Sugnayd Xaafada Aadan salebaan ee Magaalada Burco waxay goob fagaare ah kala hadashay dadka dan’yarta ah ee k u nool Xafadaasi waxaynaha uga mahad celisay soo dhaweynta ay u sameyeen.
.
“Waxaan idiinka mahad naqayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad ii samayseen waxaanan Maanta halkan ka dhagax dhigay Xarun jaar idinla noqon doonta oo hoyna u noqon doonta Agoomaha Gobolka Togdheer Waxaanan ku ogahay Xaafadiinan Aadan Salebaan mid Daryeeli Agoomahaasi codsigiina ku saabsan dhul yarida idin haysatana waxaan ugudbin doonaa maamulka Dawlada Hoose ee Burco.”

Geesta kale Xaflad balaadhan oo xalay Marwda Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii ay hoggaaminaysay loogu Sameeyay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco, waxaana ka soo qeyb gashay madashaasi maamulka Gobolka Togdheer,Kan Degmada Burco,Gudiga horumarinta ee Gobolka Togdheer,Saladiin Cuqaal,Abwaano,qurba jog,Ururada Haweenka iyo Dadweyne kale oo badan.waxaana xafladaasi nuxurkeedu ahaa in dhaqaalaha ku baxaya xaruntan agoomaha looga qeyb qaadan lahaa.

Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan, ayaa Cadeeyay in in ka Dawlad Hoose ahaan ay ku deeqeen lixdan baloodh oo kamid ah Boqolka baloodh ee Laga hirgalinyo dhiskan Agoomaha halka Afartanka kalena ay ku deeqeen Ilma Cabdale Qawracane.
Canab Cilmi Gaas oo iyana ku hadlaysay Ururada Afka qurba joogta Najax Relief iyo Horseed Kalkaal oo ururada sida gaarka ah u hirgalinaya Xaruuntan Agoomaha ayaa Qeexday in qurba jog ahaan ay yagleelida Xaruuntan ay door muhiima ka ciyaari donaan waxayna Marwada madaxweynaha Somaliland Mahad Naq balaadhan ugu soo jeedisay ka qayb galga Dhagax dhiga goobtani waxaanay Canab ugu baaqday Qurba joogta Somaliland in ay ka qayb qataan hawlaha dhismaha iyo horumarinta Dalka.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xildhibaan Cali Marexaan, Gudoomiyaha Gobolk Togdheer Yasiin muxumed Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer, Maxamuud Aadan Dheri ,Suldaan Maxamuud Guleed,Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame”Hure Walanwal” iyo marti sharaf badan oo kale oo ka hadlay Munaasibadani Dumarka Qurba joogta ah ee Somaliland doorkooda ku aadan ka qayb qaadashada horumarinta Dalka iyagoo dhanka kalena ugu baaqay Ganacsatada iyo bulushada in ay ka qaybqataan dhamaystirka Xaruuntan la Dhagax dhigay.

Ugu Danabyntii Waxaa Habeenkii xalay ahaa halkaasi Qadhaan ku aadan Hirgalinta Xaruuntan ka ga dhawaaqay Marwada Madaxweynaha Somaliland marwo Aamina Weris Sh.Maxamed Jirde iyadoo ku dhawaaqaday lacag qadarkeedu dhan yahay Saddex kun oo Dolar(3000$),Xildhibaan Cali Xasan (Mareexaan) iyo laba kamid ah qurba jooga ayaa ku dhawaqay lacag gaadhaysa saddex kun oo dolar.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan,Mareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye iyo Xubno ka tirsan Ururada Najax Relief iyo Horseed Kalkaal oo ah qurba joogta Somaliland ee dalka Ingiriiska kuwaasi oo iyagu gacan ka geysanaya dhaqaalaha ku baxaya xaruntan.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com