Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddigga Joogtada ah ee Guurtida oo Xog-waraysi La Yeeshay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurdtida Somaliland, ayaa shalay kulan xog-warraysi ah Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis kala yeeshay xaaladda caasimadda Hargeysa.

Maareeye Md. Ibraahin Siyaad Yoonis oo ay kulankan ku wehelinayeen qaar ka mid mas’uuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurdtida wax kaga weydiiyeen habsami-u-socodka xaaladda biyaha iyo mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md. Muxumed Aw Axmed oo markii kulankani uu dhammaaday, ayaa Warbaahinta sheegay inay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis ugu yeedheen, si ay uga xog-warraystaan mashruuca biyo ballaadhinta


caasimadda iyo xaaladda biyaha magaalada.

“Anagoo og dhibaatada biyo la’aaneed ee haysata bushada caasimadda iyo baahida loo qabo mashruucan biyo ballaadhinta Hargeysa oo muddooyinkanba socday, waxaannu ka Guddi ahaan [Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida] u baahanay in aannu u yeedho Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo hawlwadeennadiisa la shaqeeya, Illaahay mahadii way nasoo ajiibeen waanay noo yimaaddeen, si aannu wax uga ogaanno inta uu soo jiro mashruucii, maadaama biyuhu yihiin darruuri iyo halka uu xaalku marayo. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa waa nooga warrameen qodob-qodob ayuu uga jawaabay su’aalihii Xildhibaannadu ka weydiiyeena mid mid bay uga jawaabay, annagana waxa noocaddaatay oo uu noogu bushaareeyeen in biyihii sannadka 2017 ka horraantiisa magaaladu cabbayso, waanannu kuwa qanacnay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md. Muxumed Aw Axmed.

Intaa kadib, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis oo kulankaas xog-warraysiga ah ee ay la yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu ka hadalay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay; “Waxa noo yeedhay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, iyaga oo waajibaadkoodii shaqo gudanaaya masuulkastana way u jeedhi karaan si ay wax uga waydiiyaan hawladaha qaran ka markaa sidaada wada ogtihiin dhawriyo labaatankii sanno ee ay Somaliland jirtay caasimadda dhibaato weyn oo xaga biyaha ah baa ka taagnayd.

Nasiib-wanaag, waxa socda mashruuc weyn ee biyo ballaadhinta caasimada, kaasi oo laba loo qaybiyo mashruuca biyo soo saarka iyo mashruuca biyo qaybinta biyo soo-saarka oo ay isugu tageen Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo in muddo ah socday, hawushiisuna gebogebo ku dhawdahay oo badi way dhammaatay ayey Xildhibaannadu noogu yeedheen in aannu faahfaahin dheer ka siinno, annaguna warbixin dheer baannu ka siinay halka uu marayo iyo waxa noo qabsoomay. Waxa kale oo jirta mashruuca biyo qaybinta oo ay bixisay dawladda Jarmalka baanka u qaabilsan horumarinta oo isagaan hawushiisu meel fiican marayso dhawaana uu bilaabmi doono.”

Ugu dambeyn, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis, ayaa Xildhibaannada Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida ku marti qaadtay uu inay Khamiista soo socota indhohooda ku soo arkaan habsami-u-socodka mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Somaliland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com