Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Faratoon “Waxa lagu dhaqmayaa go’aamadii la soo saaray cidda jabisayna tallaabada ku habboon ayaa laga qaadayaa”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa sheegay in ay xukuumaddu tallaabo adag ka qaadayso cid kasta  oo jabisa go’aamadii ka soo baxay nabadaynta beelaha shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka degmada Ceel- Afweyn.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in deegaanka Sin-carro oo ka tirsan demada Ceel Afweyn in ay shaqaaqo cusubi  ku  dhex mareen labadii beelood ee  nabadayntooda go’aamada Xukuumaddu ka soo saartay Arbacadii toddobaadkii hore, isagoo intaa raaciyay in dhinaca jabiyay go’aamadii soo baxay in ay xukuumaddu tallaabo ka qaadayso isla markaana ciidammada qaranku ku arman yihiin fulinta go’aamadaas.

 

Wasiir Faratoon, waxa uu sidaasi sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka ugu warramayay wargeyska DAWAN. “Muddo badan ayay dawladdu arrintaa daminteeda awood saartay waanay ka go’an tahay in xaalad nabad-gelyo oo waarta lagu wada noolaado. waa nasiib darro in dhaartii la ixtiraami waayo iyo Go’aamadii  halkaa ka soo baxay (Maanta) shalay ayay deegaanka Sin-carro meesha la yidhaahdo ay wax ka dheceen taasoo ay sababtay kala shaki  wali dhex yaalla labada beelood  waxaana shaqaaqo koobani ay halkaa ku dhex martay ciidan beeleedyo hubaysan khasaarena wuu jiraa laakiin markiiba waxaa deegaanka gaadhay ciidamada qaranka oo xaaladda gacanta ku dhigay,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

 

Wasiirku waxa uu sheegay inaan laga hadhayn ciddii jabisay go’aamadii xukuumadda ee waxgaradka labada dhinacna ayideen, waxaanu yidhi “Waxaanan halkan ka caddaynayaa in ay dawladdu tallaabo adag ka qaadayso cidda jabisay go’aamadii nabadda ee Ceel Afweyn lagaga dhawaaqay ee dawladdu soo saartay, waxa lagu dhaqmayaa go’aamadii la soo saaray cidda jabisayna tallaabada ku habboon ayaa laga qaadayaa mid lagu daynayana maaha shaqaaqada ciida Maanta(shalay) bilawday.”

 

“Ciidammaddu waxay amar ku qabaan oo ay awood u leeyihiin in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo hubaysan oo deegaanadaa lagu arko iyadoo loo aqoonsan doono in ay nabadgelyo darro ay wadaan waxaana la marinayaa tallaabo sharci ah. Mar labaad waxaan labada beelood ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada ilaaliyaan oo ay xurmeeyaan dhaartii iyo nabadayntii Somaliland oo dhammi aanay u kala hadhin waxaanan u sheegayaa in aan cidna laga baryayn in ay u hoggaansamaan go’aamadii ka soo baxay Ceel Afweyn Arbacadii  laguna fulinayo cid kasta oo jabisa oo ay ugu horreeyaan cidda maanta(shalay) jabisay imikana dad arrintaa loo qabtay way jiraan  cid kasta oo shaqaaqada dib u dhacday ku lug yeelatana waa lasoo qabanayaa,”ayuu yidhi Wasiirku. Inkasta oo aanu wasiirku noo sheegin tirada dadka shaqaaqadan ku dhintay, hase yeeshee ilo looga qaateen ah ayaa wargeyska xalay wargeyska DAWAN u xaqiijiyay in dhimashadu ay gaadhayso laba qof.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com