Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maydka Hooyo Iyo Inan Ay Dhashay Oo Laga Helay Guri Ay Ka Daganaayeen Magaalada Wajaale Iyo Sababta Oo Aan Ilaa Hadda La Garanayn

Wararka naga soo gaadhay magaalo ganacsiyeedka Wajaale ee gobolka Gabiley ayaa sheegaya in hooyo iyo gabadh ay dhashay xalay hal mar uu lagu arkay iyadoo mayda oo dhex yaala hoygii ay ka daganaayeen magaalada wajaale.

Hooyadan iyo inantan ay dhashay ayaan ilaa hadda la garanayn sababta dishay wallow ay dadkii jaarkooda ahaa sheegeen in ay noolaayeen casarkii caafimaadna qabeen,balse habeenimadkii uun la arkay iyagoo mayd ah oo dhex yaala gurigooga.

Maydka labadan ruux ayaa isla xalayba loosoo qaaday dhankaa iyo cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa si loo baadho loona ogaado sababta dishay,waxaana hadda ay maydka labadan shakhsi ay yaalan cusbitaalka magaalada hargeysa sida ay noo xaqiijiyeen hawl wadeeno ka shaqeeya cusbitaalku

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com