Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Daawo/Akhriso “Wali Lama Arag Mucaarid Diidan In Doorashada Wakhtigeeda Dhacdo Iyo Muxaafid Leh Doorashadu Yaanay Dib U Dhicin”…Musharax Muuse Biixi

Khudbadda Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey gunnaanadka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland

Khudbadda Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey gunnaanadka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland

Diiwaangelinta;

Guddiga Doorashooyinka aad iyo aad baan u hambalyeynayaa iyaga inta la shaqaysayba, waxaanad na tusteen kalsooni ah inaad doorasho qaban kartaan oo dad muddakar ah oo xilkooda kasoo baxay tihiin aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Waxaan ku darayaa inaynu u diyaar garowno doorashadii oo aad doorashadaas u qabataan si caddaaladi ku jirto oo had goor mucaaridku way iska shaki badan yihiin ay walaalaheena mucaarid iyo muxaafidba iimaansadaan.

640px; 427px;” />

Waxaan u mahadnaqayaa intii is-diiwaangelisay, intii ka qaybqaadatay hirgelinta diiwaangelinta, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidammada Qaranka oo suurtogaliyey in diiwaangelintu ka qabsoonto guud ahaan xuduudka Somaliland.

Xisbiyada iyo Qaadhaan-bixiyayaasha;

Xisbiyada waxa laga rabaa dadka inay doorasho u horseedaan, inay dadka qabiilka ka saaraan oo ay mideeyaan, inay dantooda gaarka ah ka horumariyaan ta guud mar hadday masrixiyadda soo istaageen, waxa ugu sii mudan xisbigu inuu qarankiisa ilaaliyo oo aannu xukuumaddiisa uga war-dadaboon dawladda kale ileyn markaa qaranimada ayuu ka gudbayaaye.

Waxaan raacsanahay in doorashadu waqtigeeda dhacdo, Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo, doorashada haddii aannu xisbiyada nahay haddaanu dabada sii dayno oo hinjinno waqtigeedii way dhacaysaa, laakiin haddii xisbiyada qaarkood dabada jiidaan waxa laga yaabaa in dhibaato ingu timaaddo.

Halna waa yaab, KULMIYE wuu jeclaa qolada qaadhaan-bixiyayaasha iyo bulshada caalamka, haddana wuu jecelyahay, berigii aannu lixda qoddob saxeexaynaynay waxaannu ku riixaynay doorashada waqtigeedii ha dhacdo oo yaan dib loo dhigay, haddana caalamka iyo cid walba waxaannu leenahay doorashadu maalinteedii ha dhacdo oo yaanay dib u dhicin. Weli lama arag mucaarad diiddan in doorashadu waqtigeedii ku dhacdo iyo muxaafad leh doorashadu dib yey u dhicin ee waqtigeedii ha dhacdo. Maantana waxaannu leenahay doorashadu waqtigeedii ha dhacdo oo yaanay dib u dhicin, weliba Madaxweynuhuna ma sharraxna oo waxaannu leenahay oday ruug-caddaa ah baad tahaye si xaq ah oo xisbigaagana aan ahayn ee xisbiyada oo dhan u siman ugu gar-qaad, doorashadana waqtigeedii noo qabo.

Xukuumadda;

Xukuumadda waxaan leeyahay aad baa la idiinku mahadnaqay kharashkii hore aad bixiseen ee diiwaangelinta, ka soo socda ee codbixintana cidna haku hallaynina’e xukuumadda ka qaaddo kharashka soo socda si doorashadu waqtigeeda ugu dhacdo, taas ayuun baynu ku kala shaki bixi karnaa.

Dadweynaha;

Dadweynaha waxaan leeyahay doorasho ayeynu ku jirnaa, doorashadu waa inay wanaag iyo midnimo inoo horseedaa, haddaynu doorashadii qabiil u rogno oo aynaan mabaad’ii dawladnimo u jeedin, haddana aynu dawladnimo doonno labadaasi isma qabtaan, waxay ila tahay dadku waa inay doorashada u arkaan qaranimo iyo dawlad qaranka oo dhan midaysa oo ay taas ku codeeyaan ee aanay innaga noqon reer hebel imisa ayuu helay iyo reer hebel imisa ayuu helay, taasi waa dib u dhac ee doorasho maaha.

 

 Gobollada Bariga iyo Nabadaynta;

Waxaan soo dhaweynayaa ka qaybgalka Sool iyo Sanaag-bari ka qaybgaleen is-diiwaangelnta, waxaanan soo dhaweynayaa nabadda ka soo bilaabantay gobollada Bari, waxaan u mahadnaqayaa ragga Khaatumo ee waanwaanta inala bilaabay ee doorashada halla galo dadkooda ku yidhi.

Halkan ka Daawo Warkaas Oo Muuqaal Ah

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com