Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Xukuumadiisa golaha wasiirada Waxaanu Taliyaha Ciidanka Booliska loo magacaabay Gen. Maxamed Saqadhi Dubad

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadiisa waxaanu xilalkii ka qaaday Wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Ibraahim Madar, Taliyihii ciidanka Booliska Gen. Cilmi Rooble Furre iyo qaar ka mid ah agaasimeyaal guud.

Madaxweynuhu waxa uu soo celiyay oo uu magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad.sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto madaxweyne Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd.

Waxaanay kala yihiin sidan

NO
Magacyada Masuuliyiinta Cusub
Magacaabida
Wasaarada loomagacaabay

1-Cabdirisaaq Cali Cismaan
Waxa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta

2- Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay)
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga

3- Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan
Waxa loo magacaaba Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda

4-Xirsi Cali Xaaji Xasan
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada

5- Cabdi Siciid Faahiye
Waxa loo magacaaba Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6-Maxamed Saqadhi Dubad
Waxa loo magacaaba
Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL

7- Xuseen Axmed Caydiid
(Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud)
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka

8- Ismaaciil Muumin Aar

(Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada)
Waxa loo magacaabaWasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

9-Maxamuud Raage Ibraahim
Waxa loo magacaaba
Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah

10- Axmed Dalal Faarax
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada

11- Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh)
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka

12- Maxamed Faarax Xirsi
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga

13-Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta

14- Siciid Axmed Jibriil
Waxa loo magacaaba
Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta

15-Axmed Cilmi Barre
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta

16-Xasan Cabdi Madar
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada

Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday

No
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday
Xilka uu hayey

1-Cilmi Rooble Furre
Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL

2-Maxamed Ibraahim Madar
Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

3-Siciid Cali Wayrax
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

4-Axmed Nuux Caalin
Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta, Biyaha iyo Tamarta

5-Axmed Cabdilaahi Rooraaye
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
ghargaysa
office

2 Responses to Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Xukuumadiisa golaha wasiirada Waxaanu Taliyaha Ciidanka Booliska loo magacaabay Gen. Maxamed Saqadhi Dubad

Leave a Reply to mohamed Cancel reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com