Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MARWADDA KOOWAAD OO IFTIIMISAY IN MADAXWEYNE SIILAANYO KALSOONI U DOORTAY MUUSE BIIXI

Marwada koowaad ee Somaliland marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris), ayaa sheegay in xukuumadda KULMIYE wax badan u qabatay bulshada, isla markaana ay hadda diyaariyeen barnaamij siyaasadeed oo markale lagu dooran karo doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan dhammaadka bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaa.

Marwo Aamina-weris oo hadal ka jeedisay xaflad haweenka reer Somaliland ugu qabteen magaalada London ee dalka Ingiriiska habeenkii Sabtida, waxa ay tilmaantay in murrashax Muuse Biixi Cabdi yahay shaqsi uu Madaxweyne Siilaanyo kalsooni darteed ugu aaminay inuu noqdo Madaxweynaha beddeli doona ee Somaliland, kana midho-dhalin kara siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu horumariyo dalka.

“Anigu mar walba oo aan imaad London waxay reer London igu qaabilaan sharaf, soo dhawayn iyo xaflado, taasna mahad weyn ayaan idiinka celinayaa.

Imminka ayaamahan waxa aynu ku jirnaa waa xilligii ololeyaasha iyo doorashooyinka, markaa kolka aad meel ka hadashaba waxa laga yaabaa in aad ku fikirtid xisbigaaga, waxana laga yaabaa in dadka halkan jooga caawa (habeenkii Sabtida) ay ka kooban yihiin saddexda xisbi qaranba, markaa aniga oo wada salaamaya oo u mahadcelinaya, sharaf weynba u haya, haddana maadaama aynu galnay sannadkii ololaha inyar ayaan ka odhanayaa xisbiga KULMIYE, waxa aannu ka tegayno, waxa aannu qabanany iyo waxa damacayagu yahay imminka,” ayey tidhi marwada koowaad.

“Muddada uu KULMIYE talada dalka hayey ee ku dhaw ilaa toddobada sanno, sida runtu tahay hawlo badan oo ku jiray barnaamijkii siyaasadeed ee aannu ku galnay doorashada; haddii aan dambiga iska dhawr 80% waannu qabanay oo KULMIYE wuu qabtay.” Waxa ay intaas ku dartay, “Barnaamijka siyaasadeed ee aannu hadda doorasahda ku gelaynana diyaargarawgiisa, guddiyada aannu u saarnay, wixii nagaga soo noqday (feedback), waxaanan ka duulaynaa wixii aannu qabanay, waxa noo hadhayna aannu ku daraynaa, waxyaabo kale oo badan oo cusub oo aannu idiin sheegi doonana waannu ku daraynaa.”

Dhinaca kale, marwo Aamina-weris, ayaa ka codsaday bulshada reer Somaliland inay codka siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, waxayna tidhi; “Doorashada soo socota waxa aannu ku rajo weynahay oo aannu weydiisanaynaa bulshada reer Somaliland, rag, dumar iyo dhallinyaro in aad doorashada codka siisaan KULMIYE oo Madaxweynahayaga cusub Md. Muuse Biixi Cabdi uu kalsooni darteed Madaxweynuhu (Axmed Siilaanyo) u cugtay inuu sii wadi karo waxqabadka, taariikhdiisa iyo barnaamijka siyaasadeed ee uu dhigay, isla markaana uu bilaabay, sidaasna u doortay Muuse Biixi, markaa waa inaad nala taageertaan, nala doorataan oo aad codka na siisaan.”

Waxa kale oo ay sheegtay in laba xisbi qaran oo reer Somaliland ah ay la tartamayaan xisbiga KULMIYE, yihiinna xisbiyo xaq leh, “Laba xisbi oo muwaadiniin reer Somaliland ah leeyihiin ayaa nala tartamaya, laakiin, xisbiyada mucaaridka ah laftoodu mararka qaarkood way noo qiraan oo waxay yidhaahdaan KULMIYE wax ayuu qabtay, waxayna leeyihiin haddii aannu talada dalka qabano waannu ka sii badanaynaa waxa KULMIYE qabtay, taas ayeyna ku dacwoodaan (mucaaridku), laakiin, idinkana (bulshada) waxa aannu idin leenahay qof idin leh hadhaw ayaannu wax qabanaynaa iyo ku idin yidhi intaasna waan qabtay, intaasina way ii hadhay, intaasna waan idiinku darayaa, markaa waxa aan is leeyahay waxa xaq leh KULMIYE iyo ka dhammaynaya horumarka,” ayey tidhi marwo Aamina-weris.

Jamhuuriya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com