Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Daawo Nuxurka Khudbadihii Laga Soo Jeediyay Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Maalintiisi Labaad Galay Iyo Gudoomiyaha Cusub Oo Shir Gudoominayay Madasha Maanta.

cropped-mmsll.png

 

Shir weynihii koobaad ee Xisbiga WADDANI oo maalintii shalay ahayd si rasmi ah looga furay magaalada Hareysa ayaa saaka galay maalintiisii labaad ,waxaanu hadda shir-kaasi dib uga furmay huteelka maansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirka ayaa ka duwan kii shalay waxaan maanta lagu soo badhigay qorshe siyaasadeed Xisbiga WADDANI uu ku geli-doono doorashada fooda inagu soo haysa,iyadoo ay xusid mudantahay in dhammaba dadka ka soo qayb-galay shirkaasi loo qaybiyey buuga liimiga ah ee ku qoranyahay barmaaji siyaasadeedka Xisbiga mucaaradeedka tunka ee WADDANI.

Xisbiga WADDANI ayaa shirkan maanta ku casuumay xubno lag soo xulay bulsha weynta reer somaliland,kuwaas oo iskugu jira aqoonyahano wax-garad iyo hadlddorka kale ee lagu tuhmayey in ay wax-ku kordhin karaan barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI.

Xoghayaha Arimaha debad Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka haddlay nuruxka kooban ee uu xanbaarsan yahay barmaamji siyaasadeedka Xisbiga WADDANI,waxaanu ugu baaqay aqoonyahankii ka soo qayb-galay in ay akhriyaan oo ay wixii ay ku soo kordhinayaan ay ku soo kordhiyaan,isla markaana ay ka saxaan wixii ka qaldan.
Dhanka kalena waxa shirkan gar-daadinayey oo guddoomiyayey ,Guddoomiyaha dhawaan loo caleemo saaray xisbiga WADDANI Md. C/qaadir Jirde.

Wariye:C/fataax Bashiir Khaliif (C/fataax Miye).

Hargeysa-Somaliland

14628187_925422234230101_587434563_n14741699_925422254230099_1945893820_n14793695_925422230896768_911466495_n14793896_925422210896770_1743266722_n14794090_925422194230105_202082385_n14797543_925422224230102_1136811462_n14798914_925422217563436_1736151556_n14799018_925422237563434_556739736_n14801187_925422220896769_1430726839_n14801209_925422214230103_1362253069_n14804810_925422257563432_1245190481_n

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com