Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ninkii Maxaabsan Jiray Lacagta Saxaafadda Ee Komiishanka Doorashooyinka Oo Shaqada Laga Eryay

Siciid Xasan Cali “Sheekeeye” Oo Hore U Ahaan Jiray U Qaabilsanaha Qeybta Warbaahinta Ee Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Tan Iyo Markii Loo Dhiibay Xilkaasi Ay Meesha Ka Baxdey Wada Shaqeyntii Warbaahinta Iyo Koomishanka.

14793867_10209462848480430_1591965767_n

Taasi Ay Sababtey In Gabi Ahaanba Qeybo Ka Mida Warbaahinta Ka Hawlgasha Somaliland Ay Joojiyaan Xidhiidhkii Wada Shaqeeyned Ee U Dhexeeyey Ka Dib Markii Uu Si Aann Gabasho Lahayn U Lunsadey Dhaqaalihii Wacyigallineed Ee Koomiishanku Ugu Tala Galay Warbaahinta .

Hadaba Waa Kuma Siciid Xasan Cali “Sheekeeye” ?

14793867_10209462848480430_1591965767_n

Siciid Sheekeeye Waxa Uu Hore U Ahaa Qurbo Joog Mudo Ku Maqnaa Dalka Dibadiisa Ilaa Hadana Ma Cada Cv-giisa Shaqo Iyo Aqoonta Uu Leeyahay Waxaana In Badan Warbaahinta Oo Dabagashay Sidii Ay U Ogaan Lahayd Heerka Ay Gaadhsiisantahay Aqoontiisu Ay Waayeen Gabi Ahaanba Arintaasi.

Waxaan Is Weydiin Leh Halka Uu Ka Soo Galay Koomiishanka Doorasshooyinka Maadaama Oo Aanu Lahayn Aqqoon La Taaban Karo Waxaana Si Cad Loo Xaqiijiyey Inuu Ku Soo Galay Arin Qaraabi Kiil Oo Ah Inay Seediyo Yihiin Wasiirka Macdanta Iyo tamarta Somaliland Xuseen Axmed Ducaale ,Wasiirkaasi Oo Siiyey Awoodo Aanu Lahayn “Sheekeeye” Taaasina Waa Ta Sabatey Inuu Helo Awoodo Badan Oo Aanu Lahayn Aqoontooda .

Waxaana Mudooyinkii Ugu Danbeeyey Uu Si Weyn Ugu Soo Shaacbaxay Kadib Markii Uu Si Aan Gabsho Lahayn U Lunsadey Hantidii Saxaafada Taasi Oo Inbadan Oo Warbaahinta Ah Ay Isku Dayeen Inay Si Toosa Ula Xidhiidhaan Masuuliyiinta Koomishanka Doorashooyinka Balse Ay Si Cad Iskaga Dhaga Tireen Gudida Koomiishanku Sababo Lx Xidhiidha Culays Kaga Yimaada Dhanka Wasiirka Macdan ta Oo Awoodo Balaadhan Ku Dhex Leh Xukuumada Somaliland.

Balse Arintani Ayaa Gabagabadii Kaliftay Inay Gudida Koomiishanku U Adkaysan Waayaan Xidhiidhkii Warbaahineed Oo Gabi Ahaanba Meesha Ka Baxay Shakhsigaasi Awgeed Waxaana Si Rasmiya Shaqadii Laga Caydhiyey Siciid Xasan Cali “Sheekeeye “.

Waxaana Siciid Sheekeeye Markii Shaqada Laga Caydhiyey Uu Xidhiidho Qarsoodi Ah La Sameeyey Masuuliyiintii Uu Hogaaminayey Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxaan Ka Soo Baxay Shirar Doceedyo Ay Qaateen In Loo Magacaabo Abaabule Dadban Oo Ku Dhex Jira Xafiiska Warbaahinta Ee Garabka ISbahaysiga Ee Uu Hogaaminayo Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ay ISku Hayb Yihiin.

Waxaana Maalmahani Ugu Danbeeye Uu Loolan Xoogani Ka Dhex Aloosnaa Xisbiga Kulmiye Iyo Wadani Waxaanay Arintani Soo Dadajisay In Garabka Isbahaysigu KU Amraan Sidii Uu Udhex Gali Lahaa Xisbiga Kulmiye Taasina Ay U Fududeynayso Sidii Uu Ula wareegi Lahaa Xafiiska Warfaafinta Ee Xisbiga Kulmiye Taasina Ay Garabka Isbahaysiga Iyo Wadaniba U Sahlayso InayHelaan Sirro Badan Oo La Xidhiidha Xisbiga Kulmiye Isla Markaana Hoos Udhigaan Xidhiidhka Wadashaqeyneed Ee U Dhexeeya Warbaahinta Iyo Xisbiga Kulmiye.

.
Waxaana Arintani Oo Mudooyinkii Ugu Danbeeyeyba Uu Ku Hawlanaa Sidii Uu Uga Dhex Muuqan Lahaa Ugana Soo Bixi Lahaa Hawshaasi Culeyskeeda Leh Ee Ay kU Amray Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Oo Nidar Ku Maray In Wiiqi Doono Awoodaha Xisbiga Kulmiye Kuna Baanay In Hawsheeda Gali Doono Sidii Dadka Jooga Guriga Muuse Biixi Ay U Codeeyaan Xisbiga Wadani.

Waxaanay Arintani Si Cad U Soo Shaac Baxdey Subixii Hore Ee Saaka Ka Dib Markii Kooxo Ka Mida Warbaahinta Oo Sugaysay Inuu Lahadlo Musharax Muuse Biixi Cabdi Ay La Kulmeen Siciid Sheekeeye Kaasi Oo U Sheegtay Inuu Xisbiga Kulmiye U Xilsaaran Yahay Xafiiska Warbaahinta Awoodaasina Uu U Magacaabey Musharax Muuse Biixi Cabdi .

Balse Xidhiidho Toosa Oo Aanu La Sameyney Xafiiska Warbaahinta Iyo Xoghayaha Gaarka Ah Ee Muuse Biixi Cabdi Ayaa Noo Sheegeen Inaanay waxba ka jirin mansabkan uu isku cumaaday sheekeeye isla markaana uu warbaahinta usoo bandhigay Iyadoo Intaas kadibna uu sheekeeye isku dayay inuu la kulmo muuse biixi balse uma ay suuro galin.

14793867_10209462848480430_1591965767_n

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com