Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MURASHAX CIRRO OO KA HADLAY WADA HADAL DHEX MARAY GUDDOOMIYE XIGEENKII WADANI OO SHIRKII GOLAHA DHEXE QAADACAY

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa ka jawabay eedo  raqiis ah oo uu wasiir cadaani u jeediyey u jeediyey,waxa uu sheegay guddoomiye cirro in uu aabihii Askari ahaa.isla markaana uu ku korray guri askari,”Aniga aabahay-na Askari ayuu ahaa,guri askareed -baan ku soo korray,barmaamijka siyaasadeed ee Xisbiga-na ciidamada iyo dar-yeel-koodu iyo xanaanayn-toodu  iyo in loo hagaajiyo tayadooda, qalab-kooda,iyo in loo sameeyo Xisbitaalo,in mushaharka loo kordhiyo inu bad waxay ku cad-yihiin barmaaji siyaasiga ah ee-ka Xisbiga WADDANI,odayga kumaan aqoon  beenta meesha uu ka keenay isaga ayaa sheegidoono,oday-gu Madaxweynaha ayuu aad u jecel yahay-baa la igu yidhi,hawl-kale ayaa lagu sheeg-sheegi jiray berigii hore,lakiin anigu beenta kuma aqoon, haddal-kaasin haddal aan idhi maaha, haddal iga soo baxay-na maaha,meesha uu ka keenay-na isaga ayaa sheegi doona.”Ayuu yidhi Md Cirro ????????????????????????????????????

Musharax Cirro ayaa wax  laga weydiiyey guulaha is daba -jooga ah ee uu Xisbiga WADDANI, gaadhay iyo sida ay dadka reer somaliland ugu qul-qulayaa,waxaanu xusay in ay qiimaynta shacabku leeyihiin.
“Walaahi waxay ila tahay dadku iyaga ayaa qiimaynta leh shacbigu,doorashadana iyagaa leh,markaa waxaan is leeyahy cid lagu khasbayna -ma jirto,qaar ka baxay-na wey jiraan,intaas aad sheegay-saana wey soo gashay,markaa qof waliba qiimayn-tiisa isagaa leh, dad-kaasina waa dad ku qancay iyagaan doortay,waxaan is leeyahy iyagaa kala doortay asxaabta oo kan-bay doorteen”Ayuu yidhi  Cirro 
Khilaafka Axmed Muumin Seed Iyo Xisbiga WADDANI
 
Dhanka kalena Guddoomiye cirro oo wax laga weydiiyey khilaafka soo kala dhex-galay,isaga iyo guddoomiye ku-xigeenkii koobaad  ee Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in uu kullan la yeeshay,isla markaana dhawaan la soo afmeeri-doono khilaaf-kaasi 
“Axmed waa nin igu qaali ah  waa guddoomiye ku-xigeenkii koobaad ee Xisbiga ,waa ragii Xisbig aasaay ayuu kamid yahay,khilaaf-na dhex maray-na ma jirin,lakiin tartan ayey ahayd,tartankiina dee sidii saxaafadu joogtay ee la wada joogay ayuu u dhacay,markaa Axmed isha allaahu waxaan rajaynay-naa in uu Xisbigiina uu ku nageedo,axmed-na waan ka dab tagnay waanu wadda haddal-nay,markaa waxaan rajaynaynaa  in arintaasi soo af-jaranto oo uu Axmed-na kaalintii weynayd ee uu kaga jiray Xisbiga uu kaga jiro.”Ayuu yidhi musharax Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com