Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.muuse biixi cabdi
Digreeto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha maanta oo uu ku magacaabay labadaas masuul waxay u dhignayd sidan;

“Ref. No: XK/XG/0042219/2016 October 24th, 2016
Ku: Maxamed Iid Dhimbiil = Hargiesa =
Ku: Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye = Hargiesa =
Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =
Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
Kadib markii aan shirar iyo wadatashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:
1. Maxamed Iid Dhimbiil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.
2. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.
Fiiro-gaar ah: Dhammaan xilalka kale ee Gobolka Maroodi-jeex waxa ay ahaanayaan sidoodii.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com