Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

GOLAHA DEEGAANKA HARGEYSA MA YAHAY MID U QALMA MAAMULKA DAWLADA HOOSE MISE WAA KU DULSAAR…QAYBTII 5-AAD

Qaybtii 4aad waxaynu kaga soo hadalnay Haya’daha Somafalku mashaariicda hurumarinta inaan looga faa’ideyn bulshada reer Hargeysa.

QANDARAASYADA WAX SOO IIBSIGA DHH ;

Maamulka Dawlada Hoose ee Hargeysa markay soo iibsanayso kolba Wixii  baahadeedu tahay sida  (Daamurka , iska ragooyinka , Dab Damis yada cagaf cagafyada ,(China Heavy Trucks ),          ( Street Traffic lights ) iyo Agabyada kala duwan(raw materials) dhamaantood waxa lagu soo iibsadaa Sifooyin sharciga baal marsab( illegal bids)  mana baahiyaan Qandaraasyada wax soo iibinta ee waxa lagu naasnuujiyaa shirkado yaryar oo dano gaari ka dhexeeyaan waxa kamida Xubno xildhibaanada Gollaha deegaanka kamida ayaa Qandaraasyada ku qaata magacyo shirkado ay leeyihiin kuwaasoo danno gaari ka dhexeeyaan maammulka Dawlada Hoose ee Hargeysa sidaynu kusoo xusnay maqaaladeenii hore ka dibna keena wax bilaa tayo ah (Poor Quality ) ,unnamed

hadaba muwaadin Qodobka 99-aad ee Xeer 23/2003 -( Qandaraasyada wax soo iibsaiga Dawladaha hoose ) Faraqadiisa  1-aad-  Waxay cadeynaysaa in golaha degaanku uu awood buuxda u-leeyahay in uu heshiis ama qandaraas la galo, qof, koox, shirkad ama hayad.

isla qodabkan farqadiisa 4aad waxay dhigaysaa  Waxa la raacayaa shuruudaha Qandaraas bixinta ee ku xusan sharciga Qandaraaska Qaranka Jamuuriyada Somaliland .

xeerkina waakan hoos ku qoran lagumana dhaqmo ,

Xeerka Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa wuxuu dhigayaa in waxkasta oo ay iibsanayso Xukuumadda Somaliland ama ay qaadanayso dawladdu lasoo mariyo nidaamkaas, iyadoo Guddida Qandaraasyada Qaranku baahin toosa ku samaynayaan hadba wixii ay Xukuumaddu u baahato, halkay ugu danbeyntii qaadanayaan cidda tartankaas ku guulaysata. Sidoo kale wuxuu qodob ka mid ah Xeerka Qandaraasyada Qaranku dhigayaa, haddii uu jiro mashruuc Xukuumaddu si joogto ah ugu baahan tahay, in saddexdii biloodba mar la baahiyo si loogu tartamo.

Golaha Deegaanku Hargeysi waxay caadaysteen inay iska baalmaraan shirciga qaranku dhigtay  manaynaan arag Goolaha deegaanka oo Guddida Qandaraasyada Qaranka u dhiibay qandaraas ay wax ku soo iibsanayaan iyo mid Hantida Maguurtada ay ku xaraashayaan ( Madhxin mayno Hantida inta sharcigii naqaban lahaa maqan yahay )

.XARAASHKA HANTIDA DEEGAANKA.

 

Bulshada Hargeisaa ku nooli  maalinba maalinta ka dambeysa waxay maqlaynaa Golaha deegaanku  maantana waxay iibiyeen  Meeshii (XXX) waxayna ka iibiyeen (YYY) mana jirto meelay ku soo badhigeen  sida uu sheegayo xeerka xaraasha hantida deegaanku,  dhinaca kale iibka iyo baahi keentay midna bulshada looma sheego waxa ka siidaran sida xeerku dhigayo meesha la iibiyaa kolba degmayday ku taalo looguma badalo wax kale oo u dhigma ama ka haqabtira baahidoodii,Qodabka 95’aad. ee Xeer 23/2003 ( Xaraashka Hantida Deegaanka )

  1. Haddii dan guud loo arko in la sii iibiyo (Xaraash) hanti ma Guurto ah ambaguurto ah oo ka mid ah Hantida Golaha Deegaanku leeyahay, waxa xaraashkiisa oggolaanaaya Golaha Degmada ka dibna waxa loo gudbinayaaWasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku soo saaraya Xeer Wasiir kadibna waxaa loo gudbinayaa Guddida Qandaraaska Golaha Deegaanka si loo
  2. Shardise waxa ah in Guddi sannadeedka baadhista, kormeerka iyo hubintaHantida Golaha (Annual Board of survey) tallo ku soo jeediyaan kuna soocaddeeyaan warbixintooda nooca hantida in la xaraasho u baahan oo faahfaahin sababaysan leh.
  3. Dakhliga ka soo baxa hantida guud ee la iibiyey (xaraashay) waa in dib looguceliyaa degmadi oo ay ka muuqataa miisaniyada degmada.

Hadaba meel lagu soo badhigaa si ma jirto dhamaan hantida qaranka ee la xaraashayo iyo mid la soo iibinayo ba ileen bulshada deegaanka Hargeysa ee cashuurta laga qaado maalin walba waxay xaq u leeyihiin lama sameeyo ee waxa lagu naasnuujiyaa maalinba kay Golaha Deegaanku ka helayaan danahooda Gaarka ah waxa ka sii daran Hantidaa la soo iibinayo ama la xaraashayo Qiimaha laynoo sheegaa inaanu ahayn ka lakala siistay (Hal xaaraan ahi nirig xalaala madhasho ) sida uu dhigayo xeerka Qodabka 98’aad ee Xeer 23/2003 Kormeerka iyo Baadhista Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh kormeerka iyo baadhista Hantida, shaqada iyo hubinta fulinta shuruucda, Xeerarka iyo Siyaasadda Guud ee Qaranka. Sidoo kale Hanti Dhawrka Guud ayaa u xilsaaranbaadhista maamulka iyo maaliyadda Golaha Degmada.

Ilaa imika waxay isweydiinaysaa Bulshada reer Hargeysa sababta ay u dayacday cidii lahayd ku ilaalinta iyo kormeerista hantidan qaranka ee Golaha deegaanku ku takrifalayaan.

Lasoco Qaybta Dambe 

Mustafe Ismail Abdi (M Diini)

(MA Candidate of IR and Diplomacy)

Mustapha20024@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com