Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

AADAN DHOOLYARE OO XUKUUMADDA KU EEDEEYAY XADHIGA SUXUFI MUNIIR

Saxafiga caanka ah ee Muniir wuu xidhanyahay,haddii uu cid dambi ka galay cad waa la xidhi kara.Hase yeeshe waa caadi in laba qof gacan ka hadal dhexmari karo,,waayo carrab iyo laba daan baa isugu dhawo wey is qonsadaan.Hase yeeshe haddi laga dhigo in cid ujeedo gaar ah lihi is tidhaa ku aar gooso waa wax ceeb ah.waxa aynu ognahay in islaanimada iyo dadnimadaba fiicnayn in haddi la is qoonsado munaafaqad laga dhex dayo.Nasiib daro xukuumadeeni waxay maraysa in ay kiis ka dhigto laba nin baad isku dirtay,ta ka daran waxay tahay labada qof ee dirirtu dhex martay haddi laga heshiiyo lama arag xukuumad tidha ma heshiin kartaan.Suxufigu cid lamuu dagaalamin laakin waad isku dirtay ayaa kiis looga dhigay.Waxa jirtay berigii faqashtu joogtay ayaa waxa soo baxay waxyaabo ku cusub sharciga oo marki qaadka la joojiyay la soo saaray in qofka lagu dacweeyo maagane inuu qaad soo iibsado,u sii gogosho meel lagu qayili doono hada wa gabadh gurigeedii goglanaysa,suge qaad,ku qosle kabtan kufay erayadaas iyo qaar kale oo badan waxay ahaayeen nooc lagu keeno dadka isteeshinka oo lagu eedeeyo eryadaas ka dibna maxakamada loogu gudbiyo. Wakhtigaasi wuxuu aha markii dagaalki hubaysna ee SNM socday oo la doonayay in dad la iska doon doonayo kiisas loo sameeyo.Waxa yaaba nin aanay cidnaba dagaal dhex marin in lagu xidho hebel baad hebel ku dirtay aan markhaati loo hayn.Waxaa taa ka sii darran ka dib markii murshaxa xisbiga Wadani damcay inuu booqdo laga hor istaagay isaga oo weliba ah gudoomiyaha golaha wakiilada oo ah ninka afraad ee wadanka. Waxa la yaab ah gudoomiye Baarlamaan in loo diido xarun dawladeed isaga oo qof afraad ee dawlada Somaliland oo loo aanaynayo waxaad tahay mucaarad.Mar labaad haybadii dawladnimo iyo xuquuqdi gudoomiye Baarlammaan waa lagu tuntay.Bikuli sabab waxaad tahay mucaarad. Xukuumad aay xubno ka yihiin dad aan nidaam dawladeed ba garanayn oo u haysta in lagu aarsado shaadhka xukuumada oo aan sharciga ixtiraamayn.Waxaynu ognahay in wasiir xukuumada ka tirsan laga hor joogsaday madaxtooyada,waxynu ognaha in digreeto uu qoray wasiirka daakhilga oo ahayd magaacaabis gudoomiye degmo uu hor joogsaday wasiira dawle,waxaynu ognahay in magaacibis uu sameeyay wasiirka biyahu ay diiday dawlada hoose ee Berberi hada la soco wasiirada waxaa lagu samaynaya waa wasiiro aan Isaaq ahayn labaduba waa reer Laascaanood. Miyaanay magac xumo iyo ayaan darro ahayn in mucaarad laga hor joogsado noqonayso saleelo markay xukuumadii isu awood reernimo sheegto oo weliba lagu samaynayo kuwii bariga ee loo gogol xaadhayay in la soo xero geliyo miyaanay ahayn in la sii didinayo oo wadanki ay awoodi dawladeed la lunsaday.Waxa taa ka sii darran xukuumada oo ka jawaabtay sababta gudoomiyaha wakiilada loogu diiday inuu booqdo suxufi Muniir oo ku macnaysay in gudoomiyuhu watay wafti balaadhan oo aanu qaadahayn saldhigu kkkk waa wax lagu qoslo xukuumada dhan ee jawaab ka dhigtay sida ee garan weyday sadex ama laba idinka mid ahi ha soo galaan oo la tuso siyaasiga halka xaqdarada ugu xidhan intaas ayaaba ku filayd laakin baroortu orgiga ka weyn. Reer Somaliland waxaan leeyahay haybadii dawladnimo halkaasay marasaaye intaanu dalku ku burburin gacanta xukuumada kulmiye ee ku aarsanaysa wax laga yaq yaq yaqsoodo waar dadweyno halis baynu ku jirnaaye isku duubni sameeya oo qabyaalada qaran ka ayaa ka weyne wadaninimo iyo lexajeclada wadanka ka fakira. Qabyaaladi meel ina geyn mayso marka farta dhexda laga qaniino iyo sidan maan moodayn ina dhiqimayso. Qabyaaladu yaanay inaga xoog badan iyo inaad u xinin ya weynaato sokeeyaha danteena ha la garto oo waxaa qiimaysaan dawladnimadi dhiigu u daadtay inay si khaldan loo isticmaalayo oo ay marayso in awood reernimo laysku gumaysto oo loo adeegsanayo dano gaar ah aad u dhugta sababta labada wasiir wasaaradahoodi loogu amar ku taaglaynayo waxaan la yaabanahay mee madaxweynihi qaranku miyaanu ogayn sumcad xumada xukuumadiisa dhex taal sidee baynu aqoonsi ku heli kara,marka uu xaalkeeni marayo arimahan oo kale.

Aadan Dhoolayare

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com