Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Guurtida Somaliland Oo Wada Qorshe Muddo Kordhin Kale Loogu Sameynayo Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo+Mudada La Filayo In Loo Kordhiyo Xukuumadda Iyo Dareenada Ku Xeeran

Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka warbaahintu helayso  kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola golaha guurtida Somaliland ayaa sheeggaya in golaha guurtidu ay wadaan qorshe ah inay mar kale muddo kordhin dheeraad ah u sameeyaan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo .

Waxaana xogahani ay noo sheegeen in muddo kordhintan ay u wadaan golaha guurtidu xukuumadda ay miiska saran tahay taasi oo la filayo inay maalmaha soo socda kalfadhi uga yeeshaan xildhibaanadu isla markaana ku dhawaaqaan mudada mar kale loo kordhiyay xukuumadda.

Mudada la filayo in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo loo kordhiyo ee ay golaha guurtidu diyaarinayaan ayaa ah sida naloo sheegay in xukuumadda loo kordhiyo muddo hal sano ah iyada oo sidoo kalena ay soo baxayaan warar noocaa ka duwan oo iyaguna sheegaya in golaha guurtidu ay xukuumadda u kordhinayso muddo lix bilood ah.

Waxaana ay muddo kordhintan golaha gurtidu samaynayso ku sababaynayaan abaaraha baahsan ee dalka ka jira taas oo la sheegay inay hadii uu gobolada bariga Somaliland roobku helo waayo ay ku xigayso 3 bilood oo jilaal ah isla markaana aanay suurto gal ahayn in la qabto doorasho madaama ay dadka ay six un u saamaysay abaartu.

Sidoo kalena xoguhu waxay intaa noogu dareen in kulankii shalay ay wada qaateen masuuliyiinta saddexda Xisbi qaran iyo gudida komishanku lagu soo daray qodob ah in wada tashi qaran laga yeesho doorashada madaxtooyada hadii uu roobku heli waayo gobolada bariga Somaliland oo ay ka jirto abaar xumi.

Gabagabadiina Muddo kordhintan labaad ee la filayo in loo sameeyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa dadka badanaa odorosa siyaasaddu ay sheegayaan inay ay sababi karto khal khal iyo is qabqabsi siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com