Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ugaaska Guud ee Beelaha somaliland Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) ayaa si adag u beeniyay inuu edeeyay Guddoomiyaha Ku Meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdi Qaadir Jirde oo ay baahiyeen qaar saxaafadda ka tirsani inuu eedo u jeediyay.

Ugaaska Guud ee Beelaha somaliland Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) ayaa si adag u beeniyay inuu edeeyay Guddoomiyaha Ku Meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdi Qaadir Jirde oo ay baahiyeen qaar saxaafadda ka tirsani inuu eedo u jeediyay.

Ugaaska ayaa waxa Laga xumaado ku tilmaamay in la dhalan rogay hadalo uu saxaafada qaar ka tirsan siiyay oo loo badalay inuu sheegay ugaasku in xilka Guddoomiyaha xisbiga Waddani uu yahay mid aanay waxba ka jirin oo Lagu Khaldayo Cabdiqaadir jirde.

Cali Mahdi Oo Khadka taleefanka kula soo xidhiidhay  isaga oo ku sugan dalka Sucuudi Arabiya ayaa yidhi.

“waxaan halkan ka sheegayaa oo aan beeninayaa war ay iga qoreen qaar saxaafadda ka tirsan oo sheegaya inuu xilka guddoomiyaha xisbiga waddani laga siiyay bulshadda aan Ugaaska u ahay yahay mid waraabe u taaga ah afkayga waxaasi kama soo bixi karaan,waxaan ahay nin wayn oo dhaqan ah oo bulsho dhan hogaaminaya xilka xildhibaan cabdi qaadir jirde horena waan u soo dhaweeyay haddana caad igama saarna inaan soo dhawaynayo,lakiin warbaahinta inta ay marka hore waraysi kaa doonaan haddana beenta kaa sheegaya oo badalaya warar aanad odhan waxaana ugu baaqayaa joojiya beenta oo baahiya wixii aad ummadda ka waraysataan.

Ugaaska ayaa amaanay Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee xisbiga waddani xildhibaan cabdi qaadir jirde oo uu ku sheegay inuu yahay nin hogaamiye ah oo u qalma inuu qaranka Somaliland Caynaanka u qabto isaga oo ka shekeeyay Tariikhdiisa Facawayn.

“Cabdi Qaadir jirde maaha nin waraabe u tag lagu sheego,waa nin aan is leeyahay nin ka siyaasi sani,ka aqoon badani,ka afsomali badani majirto somaliland,cabdi qaadir jirde waa Tariikhdii waa aqoontii iyo sirtii Somaliland waana nin Sharci yaqaan ah oo birma gaydada Somaliland ah aadna waan uga Naxay in erayo xun Xun Lagu sheego waana hogaamiye waayo arag ah,

Intaas waxa uu ku daray ugaasku.”Dhaqanku Waa Odayaal Hogaamiya Bulshadda Lakiin Maaha in Afkaar Shaqsi oo ay ku jiraan Danno Siyaasadeed Loo Adeegsado,waxaanan farayaa Saxaafadda in ay joojiyaan erayadda dhibaatadda ku keenaya bulshadda ee abuuri kara cunfiga siyaasiga ah waxaanan ka xumay in bulshadda erayo kala fogaynaya ay saxaafadu qorto kuwaas oo mala awaal ah.

Ugaaska Guud ee beelaha Somaliland ayaa dhanka kale ku baaqay in abaaraha ka taagan deegaanka hawd xukuumadda ahaan iyo bulshadda deegaankaasiba Gurmad looga baahan yahay in ay taakuleeyaan dadkooda abaarta darin ku dhufatay ee xukuumadda Somaliland ee u gurmatay gobolada barigu indhaha ka qarsatay waxaana uu baaq dagdag ah ku sheegay in gurmad ay bulshadaasi u baahan yihiin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com