Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaaradda Ciyaaraha oo soo xidhay tartanka kubadda kolayga ee Saddexleyda (Gabiley 3 on 3) oo IRADA soo qabanqaabisay

 

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa cawaysinkii Sabtida soo xidhay tartan ciyaareed kubadda kolayga ah nooca loo yaqaan Saddexdleyda ama (3 on 3) oo Hay’adda Waddaniga ah ee IRADA ku qabatay magaalada Gabiley.  Tartanka noocan ah oo dunida ku cusub waa markii koowaad ee lagu qabto Somaliland.

Xaflad si heersare ah u dhacday oo lagu qabtay garoonka kubadda kolayga waxa ka qayb-galay Maayorka Magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Gacanta Maxamuud Xasan Qodax, Xildhibaan Cabdi Xabiib iyo Xildhibaan Mahdi oo ka tirsan xubnaha Golaha Deegaanka Gabiley iyo Axmedyaasiin Muxumed Cadde oo ka socday IRADA.

Tartankan 3 on 3 waxaa ku tartamayay kooxaha da’doodu u dhaxeyso 13 jirka ilaa 15  iyo kooxaha dadoodu u dhaxayso  19 jirka ilaa 22 jir. Kooxaha 19 jirka ilaa 22 jirka waxaa kama dambaystii isku soo hadhay kooxda Stars iyo kooxda 18ka May .

 

Sharciga 3 on 3 wuxu dhigaya in kooxda 21 dhibcood gaadhaa ay guulaysanayso, sidaas daraadeed kooxda 18 May ayaa  ku guulaysatay in ay keento 21 dhibcood halka G-stars ka keentay  19 dhibcood. Sidaana waxaa koobkii ku qaaday kooxda 18 May.

Tartankan ayaa la qaban doonaa 3 biloodba mar sannadkii.

Madaxdii goobta ka hadashay iyo ciyaartoygii ka qayb-qaatay dhammaan waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin sida ay IRADA uga qayb-qaadato dardargelinta ciyaaraha, gaar ahaan waxay u mahad-naqeen macalin Axmedyaasiin Muxumed Cadde oo isagu hawshan maamulayay intii ay socotay horena tabobare xagga farsamada u soo ahaa xulkii Gabiley ee  2014-kii  koobka kubadda kolayga  gobollada soo qaaday 2016-kiina finalka yimid.

Hay’adda IRADA ayaa dhinaceeda mahadnaq u jeedisay Maayorka sida uu ula shaqeeyey intii hawshu socotay. Waxa kale oo ay u mahad naqeen Wasaaradda Dhallinyarada oo farsamo ahaan caawisay tartanka sida garsoorka tartanka garsoorayay.

Hoos ka daawo muuqaalka xafladdii xidhitaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com