Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Saldhigga Imaaraadku Wuxuu Innagu Samaynayaa Dagaal Geeska Afrika Ah (ka dhaca)…” Sh. Aadan-Siiro (Akhriso/Daawo)

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka samaysato Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Saldhig Milletari oo Dawladda Imaaraadku ka samaysato uu khatar dhinaca Ammaanka ah ku keenayo Somaliland iyo Dalalka kale ee Geeska Afrika, maaddaama buu yidhi ay jiraan Dawlado diiddan in Imaaraadku Saldhig Ciidan ku yeesho Somaliland.

Sheekha oo Arrimahan iyo kuwo kale oo Heshiiskii DP World ka mid yahay kaga hadlay Khudbaddii Jimcaha ee Maanta, ayaa yidhi, “Shareecadu waxay tilmaamaysaa in Aasaaska Noloshu tahay in Dadka la islaaxiyo, wanaag ay ku wada noolaadaan, oo laga ilaaliyo in Dadka la fasahaadiyo oo dhib badan gudahooda laga abuuro.”

Sheekh Aadan wuxuu sheegay in Saldhigga Imaaraadku doonayo inuu ka samaysto Berbera ay wadaan Koox gaar ah oo Xukuumadda Somaliland ka mid ah, “Khudbaddani waxay Gogol-dhig u tahay Heshiis aan Caddeyn oo koox ka mid ah Xukuumaddu doonayaan inay Saldhig Xaasaasiya kaga sameeyaan Magaalada Berbera, Saldhiggaas oo Geeska oo dhami ka qayliyey, Saldhiggaas oo Dadka Aqoonta u leh ee Damiirka leh ee xataa Xukuumadda ku jirtaa ay ka qayliyeen, laakiin ay wataan tiro kooban oo inta ay ka faa’idayaan tahay Maslaxad kooban oo aan u dhigmayn dhibka Ummadda gaadhi doona.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo isbar-bar-dhigaya sida fudud ee Xukuumadaha Somaliland soo maraa heshiisyada waaweyn ugu saxeexaan Dawladaha Shisheeye iyo sidii ay yeeli jireen Odayaashii hore ee Reer Somaliland, “Laba Boqol oo Sannadood ka hor, Aabbayaasheennii khayrka badnaa ee Berbera joogay, ee iska huwanadaa laba Go’ ee Cadcad, laakiin Qalbigoodu, Damiirkooda iyo Dadnimadoodu noolayd markii Ingiriisku yimid Berbera wuxuu soo bandhigay inuu Marsada Berbera kireysto, way shireen oo waxay yidhaahdeen maxaynu ka yeellaa Ninkaa Gaalka ah eel eh Dekedda Berbera ayaan kireysanayaa ?, waxay soo saareen Go’aan iyagoo Af kaliya kula hadlaya Ingiriiska, waxay ku yidhaahdeen ‘Ingiriisoow Berbera ka weyn wax Go’ lagu qaado’. Jawaabtaasi waxay ahayd oo ay (ka timid) Bani-aadam aan wax Maalmo la qaataa kala weynayn waxa Ummaddu leedahay. Maanta oo aad leedihiin Boqollaal haysta PHd, ILAAHAYNA u dhib yareeyay heshiisyadu waxay yihiin, ayaa Koox ka mid ah Xukuumaddu waxay ku dhiiranayaan inay galaan Heshiis ay adag tahay labada boqol ee sannadood sidaynu u daaweyno Awood kasta oo aynu helo, arrintaasi waxa la yeeli karayo Maaha, wax la caqbali karayo maaha.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, oo khudbaddiisa sii wadaa wuxuu sheegay, “Inta Caqliga leh, Cilmiga leh, Garashada leh ee Dadkan iyo Dalkan daneynaya waxaanu leenahay waa in si toos ah looga hadlo oo aan la aqbalin in laba iyo Saddex Qof ay ku Tasarufaan wax innaga iska daayoo Geeska Afrika oo dhan dhib badan u keenaya, arrinteeduna aanay caddeyn ama Muhmal ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Abaarta iyo Nolosha Dadka reer Somaliland ee xilligan, “Waad ogtihiin Dalkeenna Abaarta ka jirta, Neefkii Geelaha ahaa ee $ 1,250 Sayladda lagaga diiday, Maanta waa $ 250 dollar baahida jirta awgeed, kaasi waa Neefkii dhaqaaqi karayey, intii kalena way leedday. Maanta waxay gaadhay in Hooyooyinkii iyo Maatidii kale ay Oon u dhintaan. Maxaa taasi ag-taalla, siday tahay nolosha Dadka Talada hayaa.? Dabaqadaha nololeed ee Xukuumadaha jiraa sameeyeen waa sidee..”?

Sheekh Aadan wuxuu Khudbaddiisa ku soo qaaday sida uu Wanaaggu uu Adduunka ugu yaraado Aakhiru-sammaanka, waxaanu yidhi, “Nebigu (CSW) wuxuu yidhi, ‘Diintu waxay ku bilaabantay iyadoo lala yaabban yahay, waxayna ku noqon doontaa iyadoo lala yaabban yahay‘. Diinta lala yaabban yahay waa tee, waa Wanaagga iyo Xaqa waxa lala yaabban yahay, “Waxa wanaagsanaaday oo nabad-galay kuwa Xaqa ku dhega marka lala yaabban yahay, kuwaasina waa kuwa wanaajinaya waxay Dadku xumeeyaan.’ Ayuu yidhi Rasuulku (CSW)…”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-Siiro)

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa ku soo qaaday Lacag Xukuumaddu sheegtay inay ka heshay Shirkadda DP World ee lagu wareejiyey Dekedda Berbera, “Waxaan aad ula yaabay Dad badan oo ku faanayey DP World baa Shan Milyan oo Doollar laga qaaday oo Warbaahinta oo dhan la geeyay. Haddaynu Shan Milyan iyo Toban Milyan ka hadlayno waxa Somaliland ku nool Dad haysta 700 Milyan, waxa ku nool Dad haysta 500 Milyan, waxa ku nool Dad haysta 400 Milyan, waxa ku nool Dad Aqoon u leh inay Dekedda horumarin ku sameeyaan oo aynu Iyaga ku ilaashanno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in Saldhig uu Imaaraadku ka samaysto Berbera uu khatar dhinaca Ammaanka ah u horseedayo Somaliland iyo Dalalka Geeska Afrika, “Waxaan leeyahay Saldhiggaasi wuxuu innagu samaynayaa Dagaal Geeska Afrika ah (ka dhaca) oo aynaan awood u lahayn, waxaan ogoleyn Dawlado aynaan lahayn Awood aynu kaga hor-tagno, waxaan caddeyn waxa innaga soo gelaya, kuwii Caqliga iyo cilmiga lahaa ee heshiiska arkay baa diiday inay saxeexaan, inta wadda ee saxeexaysaana waa in kooban oo dano ku meel-gaadh ah (ka leh) wax badanna laga ogyahay, ILAAHAYNA aynu ka baryeyno in Arrinkoodu Caddaado wakhtiga soo socda.
Waxaan inta caqliga iyo Cilmiga leh leeyahay la aqbali-maayo in Berbera ay Afraadi ku tasarufto, Xukuumadda haka tirsanaado, ama Mid Lacag badan haysta ha ahaado ama Nin ha ahaado Nin khadad badan haysta oo is leh fursaddan ka faa’idee markuu arkay Isbeddelka Maanta jira.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com