Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile Oo La Hadlay Hadhwanaagnews Waxa Uu Sheegay In Xukuumadu Wax Ka Badal Ku Samaysay Heshiiskii DPW
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile ayaa ka hadlay saldhiga millatari ee xukuumadu Somaliland doonayso in ay dalka imaraadka carabta ka siiso magaalo xebeedka berbera,waxaana uu xildhibaanku tilmaamay in ay dhibaato ku tahay qaranka Somaliland Heshiiskaasi waxaana uu fariin u diray xukuumada.
Xildhibaanka oo maanta waraysi siiyay hadhwanaagnews ayaa sheegay in saldhigaasi millatari ay ku midaysan yihiin Dalalka imaraadka carabta iyo masar,waxaana uu soo bandhigay walaac ay ka muujisay dalka itoobiya