Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Halkan Ka Akhriso Kulankii Saddexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Oo MAANTA Soo Dhamaaday Iyo Nuxurka Go’aamada Ay Ku Heshiiyeen Saddexda Xisbi Qaran

Waxa goor dhawayd xarunta guud ee guddiga komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland si rasmi ah ugu soo dhamaaday kulan albaabadu u xidhnaa oo maanta ay wada yeesheen murashaxiinta saddexda xisbi qaran iyo guddiga komishanka doorashooyinku.

Waxaana kulankan oo saacado qaatay ay saddexda xisbi qaran ay guddiga u gudbiyeen mid kasteba fikirkiisa ku  aadan qabsoomida doorashada madaxtooyada oo wali aan la isku afgaran qabsoomideeda isla markaana ay xisbiydu ku kala aragti duwan yihiin.

Go’aamada kasoo baxay shirkan maanta ee ay wada yeesheen guddiga komishanka iyo saddexda xisbi qaaran ayaa waxa labada xisbi mucaarad ah ee WADDANI iyo UCID ay gudida u gudbiyeen in muddo Lix Bilood ah dib loo dhigo doorashada madaxtooyadda halka uu xisbiga KULMIYE ka aragti duwanaa labada xisbi ee kale isla markaana uu u gudbiyey qaraar ah in sharciga loo maro arrinkaa xalkeeda.

Gabagabadiina wali go’aan rasmi ah lagama gaadhin arrinkan qabsoomida doorashada madaxtooyada oo saddexda xisbi qaran ku kala aragti fog yihiin.

2-22-407x740

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com