Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Cadaani Oo Cusbitaalka Guud Ku Booqday Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Qaranka Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wactigelinta Somaliland Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), ayaa maanta cusbitaalka ku booqday agaasimaha waaxda idaacadaha Xasan Maxamed Yuusuf, oo xaalad caafimaad darro u jiifa cusbitaalka guud ee Hargaysa.

vlcsnap-2017-01-17-20h12m01s526

Waxaana wasiirka booqashadaasi ku wehelinayay maareeyaha TV-ga qaranka Khadar Maxamed Cakule, agaasimaha waaxda shaqaalaha, masuuliyiin iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi. Waxaanay dhamaanba masuuliyiintii halkaasi booqashadda ugu tegay ILLAAHAY uga baryeen in uu caafimaad sareecan ah siiyo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ayaa warbixiyay kaalinta uu Xasan Maxamed Yuusuf, kaga jirro wasaaradda iyo guud ahaanba qaranka Somaliland, waxaanu ALLE uga baryay in uu caafimaad siiyo.

vlcsnap-2017-01-17-20h12m01s526

Wasiir Cadaani oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Wasaarad ahaan qoys ayaynu nahay, qoys ahaana waxa keliya ee ugu muhiimsan ee aynu ku tari karnaa waxa weeyi , waa in aan la dareenno, oo aan la qaybsano xanuunka ku yimid, oo aan iska warhayno. Haddii ay qoyskiisa tahay iyo haddii ay qofka shaqsiga ahba tahay.

Ta ka muhiimsan wax siinta, waxay tahay in la soo dul-istaago ama la soo eego, lana booqdo qofka xanuunsanaya, loona duceeyo lagana warhayo. Markaa Xasan, waxaan ILLAAHAY uga baryaynaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo, oo uu shaqadiisii dib ugu soo noqdo”.

Maareeyaha telefishanka qaranka Somaliland Khadar Maxamed Cakule, oo ka hadlay booqashadii ay ugu tegeen Xasan Maxamed Yuusuf, oo xanuun u jiifa cusbitaalka guud ee Hargaysa ayaa ka waramay aqoonta shaqsiga ah ee uu u leeyahay Xasan Maxamed Yuusuf iyo kaalintii uu ka soo qaatay dib u dhiskii dalka gaar ahaana hawlaha dhinaca warbaahinta.

vlcsnap-2017-01-17-20h11m11s645

Waxaanu sheegay in uu isaga si gaar ah u soo gacan-qabtay Xasan Maxamed Yuusuf, markii uu warbaahinta ku soo biiray, isla markaana uu yahay macalinkiisa koowaad ee dhinaca warbaahinta.

Khadar Cakule, waxa uu yidhi “Xasan, wuu u hagar-baxay qarankiisa, sanadihii dhawr iyo sideetamaadkii ayuu shaqadda saxaafadda bilaabay, xiligii hal-gankii, xiligii danbe ee hawlaha dimoqraadiyadda iyo dib u dhiska dalka ilaa maanta meel kale-na ma tegin, wax kale-na ma raadin, hawsha hawlka kaga began iyo kaalintiisa ayuu qaranka ka gufaynayay.

Inta aan anigu ugu weynahay ee maanta ka hawl-gasha wasaaradda warfaafinta, rag iyo dumar-ba waa intii uu gacanta soo qabtay. Mikarafoonkii iigu horeeyay tilmaantiisa waa ninkii lahaa, oo ah macalin aniga si gaar ah iigu tabcay”.

vlcsnap-2017-01-17-20h11m02s660

Sidoo kale abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (laab-saalax), oo ka mid ah abwaanadda dhalinyaradda ah ee reer Somaliland oo isna booqashadaasi wasiirka ku wehelinayay oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in weriye Xasan Maxamed Yuusuf uu yahay qof qiimo badan ku dhex leh bulshadda, qaranka iyo wasaarada-ba.

Waxaanu yidhi “Xasan, waxaan ILLAAHAY (SWT) uga baryaynaa in uu caafimaad sareecan ah siiyo. Xasan qaranka Somaliland, wasaaradda warfaafinta iyo shacabka-ba waa qof qiimo badan ku leh”.

Ugu danbayn Xasan Maxamed Yuusuf, agaasimaha waaxda idaacadaha ayaa uga mahad celiyay wasiirka warfaafinta iyo masuuliyiinta kale ee soo booqday. Waxaanu sheegay in uu dareemayo in shaqaalaha wasaaradda warfaafintu ay yihiin kuwo uu ka dhexeeyo kal-gacal badan.

vlcsnap-2017-01-17-20h12m55s619

Agaasime Xasan, waxa uu yidhi “Waxaan aad u dareemay, in uu jirro kal-gacal badan oo ay shaqaalaha wasaaradda warfaafintu ay isku
hayaan madax iyo minjaba.

Runtii-na wasiir, aad ayaan idiinku mahad celinayaa booqashadiinan aad iigu timaadeen, iyo kal-gacalka aad ii muujiseen runtii waa mid aan abaal weyn idiinku hayo, waana mid inta aan noolahay aad u xasuusan doono”.

Geesta kale Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa si weyn ugu mahad celiyay wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) oo uu sheegay in cusbitaalka ku soo booqday marar badan iyo sidoo kale hawl-wadeenadda cusbitaalka guud ee Hargaysa sida hagar la’aanta ah ee ay ugu shaqaynayaan.

“Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan uga mahad naqo, wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye, oo halkan (cusbitaalka) igu soo booqday, oo muddo ila joogay iyo sidoo kale shaqaalaha cusbitaalka guud ee sida hagar la’aanta ah iigu shaqeeyay” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com