Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Kulmiye Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Laba Marxuun Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Cali Xirsi oo ku geeriyooday Hargeysa xalay oo ay taariikhdu tahay 22/01/2017.

Guyddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Xuseen Cali Xirsi waayo-arag kaalin wayn ka soo qaatay dhismaha qaranimada, dawladnimada iyo horumarka waddanka oo tan iyo intii uu hanoqaaday maalinba door muuqda uu kaga jiray, isla markaana waxa uu ahaa

addoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa geerida Marxuum Maxamuud Abokor Cabdillaahi oo ku geeriyooday Hargeysa shalay oo taariikhdu ahayd 21/01/2017. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee tacabka badan u hurray horumarinta dalkooda Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumiintaasi Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com