Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dib U Milicso Halkii Marxuun Cigaal Ka Taagnaa Siyaasadda Cadaawadda Ah Ee Carabtu Ku Wajahaan Shacabka Somaliland Iyo Weedhihiisii Taariikhda Galay

Alle Ha U Naxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ahaana aasaasihii saldhigga u dhigay dawladnimada Somaliland iyo nabadaynteeda Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa lagu xasuustaa in uu ahaa siyaasi miisaan leh oo in badan ka war qabay aragtida dalalka Carbeed ka qabaan Somaliland iyo sida ay mar walba qaddiyaddeeda uga soo hor jeedaan.

Cigaal
Waxa uu aad u ogaa cadaawadda Carabi u haysay Somaliland iyo sida aanay marnaba qaddiyadooda ugu huulin taa baddalkeedana ay dhibaatooyin iyo hagar daamo mar walba ku hayeen isaga oo Marxuum Cigaal meelo badan kaga hadlay markii uu xilka qarankan hayay iyo mawaaqif badan oo uu ka qaatay.
Qoraalkan kooban waxa aan ku milicsan doonaa dhawr qodob oo Madaxweyne Cigaal markii uu talada dalka hayay kaga hadlay dalalka Carabta iyo dhibaatada ay qarankeena ku hayeen waxaana hadaladiisii taariikhda galay ka mid ahaa kuwan:
“Ii Fasira haddaad Garanaysaan, Magaraynaysaane, -Aayad Dheer oo Quraanka Kariimka ah oo uu dusha ka akhriyay-, Kadib ayaa waxa uu Raaciyay, “Maxay tahay Aayaddaasi, Dadkani Dad Muslim ah weeyi “Reer Somaliland”, Illaahay ayay yaqaaniin, Rasuulkiisii ayay yaqaaniin,Meeshay u socdaan,Waxay u socdaan iyo Waxay doonayaan ayay garanayaan,Na Dhakri maysaan, Caalamka Islaamka ayaanu ka mid nahay, Waxaanu ognahay ayaanu ugu dulqaadanaynaa Islaamka daraadii,cadaawad, Risiq Goyn ay Irsiqii Illaahay noo qoray ay naga xaasidayaan, Xoolahayagii oo ay iibsan waayeen, Intaasi ayaanu diyaar ugu nahay inaanu ugu dulqaadano”.
“Hanagu kalifina inaanu idinka tashano, ma idin naqaano,Ma idin ogin,ma idin ictiraafsanin inaad diintayada ka tihiin Masuul,inaad Diintayada Taqaaniin,Waxaanu idiin naqaanaa Murtidaqa”. Hadaladaasi ayaa lagu xasuustaa Marxuum Cigaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com