Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Arrinta Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka Looma Gelin Siddii Ku Habboonayd, Waxay Ahayd Intii Aan Baarlamaanka” Xasan Ciise Jaamac

Guddoomiyihiii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac waxa uu sheegay in habkii loo galay meelmarinta Heshiiskii  Imaaraadka  Saldhiga Milatari ee berbera aannu habboonayn, waxaannu iftiimiyay in dhinacyaddii arrintaas maamullaayay aannay wakhti ku filan siinin.

Md. Xasan Ciise Jaamac oo qoraal kooban kaga hadlay fadhigii wada-jirka ahaa ee Baarlamaanku ku Ansixiyay heshiiskii imaaraadka ee Saldhiga Berbera, ayaa nuqul ka mid ahi waxa uu soo gaadhay Warbaahinta Hadhwanaagnew, waxaannu daboolka ka qaadday in wali wakhti badan la haysto oo dhinacyadda iska soo horjeeddaa isku qancin karraan.

Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac waxa uu tilmaamay sida ay muhiimka u tahay midnimadda bulshadda somaliland


marka ay tahay arimaha aasaasiga ah, waxaannu yidhi “Arrinta Saldhiga ciidan ee Imaaraadka ee la yidhi Berbera halaga siiyo looma gelin sidii ku habboonayd. Waxay ku hagaagsanayd arrintaasi in ka hor intaan la horgayn Baarlamaanka in Wakhti loogu talo-galo in labadda dhinac ee qolanna taageerayso Saldhiga Milatari, qolanna diiddan tahay ay is-qanciyaan. Waxaan soo jeeddinayaa in dib loogu noqdo dariiqii saxa ahaa ee wada-tashiga iyo is-qancinta.” Ayuu yidhi Mudane, Xasan Ciise Jaamac. Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi

“Waxa muhiim ah in aynu wali haysanno wakhti aynnu ku raaddino qanaacaddii labadda dhinac ee lama huraanka ahayd, sababtoo ah midnimadda Somaliland waa innagu qasab markay timaado arrimaha aasaasiga ah.

Somaliland halkan waxay ku soo gaadhay wada-tashi iyo is-qancin, waxaan markaan soo jeeddin lahaa in Odayaashii awalba waan-waanta ka shaqayn jirey ay arrinta dakhso u gallaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Xasan Ciise Jaamac.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com